Daawo Sawiro…Sharikada Pontus Marines oo kulan balaadhan ku qabatay Leicester UK,kuna soo bandhigtay maalgashiga sharikadda.

3

 

Kulan balaadhan oo maalintii Sabtida 15.3.14 ka dhacay magaalada Leicester ee cariga Ingiiska,kana soo qayb galeen bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaaladda Leicester,Odayaan,Aqoonyahan,Haween iyo dhalinayro.

Kulanka oo ku saabsanaa sharikada kaluumaysiga ee Pontus Marines laguna soo bandhigay sidii loo maal-gashan lahaa sharikada oo dhawaanahanba ku jirtay sidii dadka Soomaalida ah loogu soo bandhigi lahaa inay ka faa’idestaan ka qayb qaadashada maal gashiga sharikada.

Ganacsade Maxamed Yuusuf oo kulanka goob-joog ka ahaa ayaa sharaxaad ka bixiyey mashruuca sida looga qayb qaadan karo,Arimaha maal gashiga iyo hawlo badan oo ku saabsan qaababka iyo xiliga la hirgalinaayo mashruuca. Maxamed Yusuf waxa kale oo uu ugu bushaareeyey shacabka Soomaalida ah ee kulanka gob-joogka ahaa in ay tahay wakhtigii ay ka qayb qaadan lahaayeen sidii ay u maal-gashan lahaayeen mashruuca oo ah mashruuc aad u balaadhan loona baahan yahay in laga qayb qaato.

Cabdiraxmaan Cawil oo isna kulanka hadalo kasoo jeediyey ayaa soo jeediyey in mashruuca uu ku jiro qaybahiisii ugu danbeeyey ayna tahay in laga faa’ideysto oo la maal-gashado si aad wax ugu yeelato,Wakhti ayey leedahay oo hadii aad iminka ka faa’ideysan weydo in aay dhici karto in mardanbe aad ka fakarto.

Waxa kale oo ka hadlay dad aad u fara badan oo ka mid ah bulshada ayaa su’aalo farabadan madasha kusoo bandhigay kuna saabsan sidii ay u maalgashan lahaayeen iyo intee lacag ah ee ay ku maalgashan karaan.

Waxa  ay dhamaan dadkii kulanka kasoo qayb galay aad usoo dhaweeyeen sharikada Potus Marines oo ay ku tilmaameen mashruuc aad  loogu baahnaa oo dhamaan dadka Soomaalida ah iyo dadka Bariga Afrika ku nooliba ka faa’ideysan karaan. Waxa ayna balan ku qadeen in ay ka qayb qaadan doonaan maalgashiga mashruuca.

Waxa kulanku kusoo gaba gaboobay si aad u qurux badan dad badana ay madasha ku balan qadeen inay ka qayb qaadanayaan maal gashiga sharikada.

Salaanmedia/London

5

4 2 1 10 9 8 7 6 16 15 14 12 11