Daawo Sawiro…Somaliland National library oo munaasabad lagu taageerayo lagu qabtay magaaladda Jeddah ee Sacuudi Arabiya.

1

15/3/2014, waxa Magaalada Jiddah Hudheel ku yaala Beledka (Downtown)ka ee Jiddah lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu soo dhaweynaayey Mr. Axmed Dahir Cilmi oo ah gudoomiyaha Somaliland National library booqasho ku yimi Saudi Arabia, waxaanu booqan doonaa qaar kale oo ka mid magaalooyinka waaweyn ee Sacuudiga si uu uga helo tageero sidii loo hirgalin lahaa loona dhaqan galin lahaa Libarary ay Somaliland yeelato.

23

Mr. Axmed wuxuu u soo bandhigay dadkii reer Somaliland ee Xafladda ka soo qaybgalay Mashrruc aad u muhiim ah aadna u quruc badanaa (Somaliland National library), Dadweynihii xafladdaa joogeyna aad ayey ugu riyaaqeen ugu farxeen markii ay daawadeen Muqaalo ku saabsanaa Librarigaa  laga dhiso doono Hargeysa-Caasimada Jamhuuriyada Somaliland waqti dhow Haddii Eebbe Idmo, kana balanqaadeen iney aad uga qaybqaadan doono ilaa u dhismayo Mashruucaasi.

 2

Mr. Axmed wuxuu soo bandhigay aadna u sharxay Librarygaasi wuxuu faa’ido u leeyahay dhammaan ummaddoo dhan iyo qaybihiisa kala duwan ee uu ka koobnaan doono iyo in Gobolada wadankoo dhan laga hirgelin doono qaar la mid Librarygan (HIY).

 13

Sidaas awgeed waxa dhamaaneen Reer Somaliland laga codsanayaa meel waloo ay ku dhaqan yihiin inakoo gacan keliya oo iskuduuban ineynu ka qaybqaadano mashruucan iyo dhammaan mashriicda kale ee ka socda Wadankeena.

 

Allaa mahad leh

 

Sicid Axmed-Salaan

Salaanmedia-Jeddah, Saudi Arabia

unnamed

3 4 5 6 7 8 9 10 11 12  14 15 1619 20 21