Dadkii ku dhintay Kaniisada maanta la weeraray ee dalka Kenya oo sii korodhay (Daawo Sawirada)

Waxaa soo badanaaya tirada dadka ku dhintay weerarkii maanta lagu qaaday Kaniisada ku taala Deegaanka Likoni ee Magaalada Mombasa, xilli aysan jirin cid weli sheegatay Masuuliyada weerarkaasi.

Wararka caawa laga helaayo Xarumaha caafimaadka ee Magaalada Mombasa, ayaa waxay xaqiijinayaan in dhimashadu ay sii caga cageyneyso afar ruux, halka 15 kalana ay dhaawac yihiin.

Dadka ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Kaniisada, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay qaarkood qabaan dhaawacyo daran, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kororto khasaaraha dhimashada.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Deegaanka Likoni Robert Mureithi oo galabta la hadlay Saxaafada, ayaa wuxuu weerarkaan uu ku sheegay mid ay ka dambeyay argagaxisada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dadka iska cibaadeysanaaya loo adeegsado qoryaha nooca daran dooriga u dhaca, isagoona si kulul u cambaareeyay kuwii ka dambeeyay falkaasi.

Taliyaha, ayaa difaacay dadka la weeraray ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh loo geystay, wuxuuna ku tilmaamay inaanay geysan wax dhibaato ah, haba yaraatee.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay Masuuliyada weerarka lagu qaaday Kaniisada, iyadoo la xaqiijiyay in weerarkaan ay geysteen laba nin, isla-markaana ay u suurta gashay in ay baxsadaan.