Dagaal beeleed khasaaro badan geystay oo markale ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

NEWSSS

Dagaal soo noq noqday, ayaa maanta waxa uu ka dhacay duleedka Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, markii mid ka mid ah beelaha dagaalamay, ay weerartay midda kale.

Dagaalkaan, ayaa xoogiisii barqanimadii maanta ka dhacay Deegaanka Buulo Busleey, oo dhacda duleedka Degmada Janaale, iyadoo uu ku fiday Deegaano kale oo hoos yimaada Janaale.

Labada dhinac, ayaa muddo saacado ah ku wada dagaalamaayay Deegaanada hoos tagga Degmada Janaale, waxaana ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay dhimashada 7 ruux oo labada dhinac ah, halka ilaa 25 kalana ay ku dhaawacmayn, sida laga soo xigtay dadka Deegaanka.

Dhaawacyada labada dhinac, ayaa loo kala qaaday Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo caawana xiisad laga dareemaayo meelihii lagu wada dagaalamay.

Imaam C/laahi Khaliif oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa wuxuu si kulul uu u cambaareeyay dagaalka uu dhiigga badani ku daatay, ee maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Imaam C/laahi Khaliif oo caawa la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Dowladda uu ku dhaliilay inaanay si sax ah u meelmarin, heshiiskii ay horey u kala dhex dhigtay Habargidir iyo Biimaal.

Salaanmedia/Mogdisho