DEG DEG: Dhageyso: Sh Cali Dheere oo soo hadlay: Waa noolahay ee Kenya ma mudna jawaab Laakiin waxan u….

DAAWO Muqaal: TV-ga Ingiriiska  oo Wareysi Fool ka fool ah la yeeshay Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Dheere.

 

 

 

 

 

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayaa beeniyay warar maalmahan si aad ah la isugula dhexmarayey, kaasi oo ahaa inuu geeriyooday afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere.

Sheikh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay inuu nool yahay, wararka ku aadan geeridiisana ay buun-buuniyeen sida uu yiri warbaahin u adeegta dalalka shisheeye.

Afhayeenka Milateriga Kenya ayaa Todobaadkii aan soo dhaafnay shaaciyay inuu geeriyooday afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere, waxaana uu sheegay inuu ugeeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo.

HALKAN ka Dhagayso COD

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan istaahilin in loo jawaabo, sidaasi awgeedna shacabka Soomaaliyeed uu ucadeynayo inuu nool yahay oo uusan geeriyoon.

Al-Shabaab iyo Dowladda Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal xoogan oo ka socda Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab Bishan gudaheeda laga qabsaday deegaano badan oo ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya.