Degmada Xarshin Oo Laga Hirgeliyey Ceel-biyood Iyo Madaxweynaha Dawlada Degaanka Somalida Itoobiya Oo Xadhiga Ka Jaray.

image

Degmada Xarshin Oo Laga Hirgeliyey Ceel-biyood Iyo Madaxweynaha Dawlada Degaanka Somalida Itoobiya Oo Xadhiga Ka Jaray.

 

Xarshin(SM)  Mar.05, 2014 – Waxaa Sabano iyo Qarniyaalba ka jirtay Degmada Xarshin Biyo la’aan aan kafayn jirin Omaska iyo Haraada dad iyo Duunyaba walow waayadii danbe ay Shacabku ka samaysteen Baraago ay ku kaydsadaan Roobka Biyaha Cirka ka yimaada taasooy ku caynteen ama baxnaano ay kaga bogsadaan Baahidii Biyo la’aaneed ka heleen Biyaha Baraagaha walow hadana ay Dhanka Caafimaadka ay qarnigii ugu danbeeyay ilaa xukuumadihii soo maray Dalka iyo Deegaankaba ayaanan ku guulaysan in ay ka salgaadhaan Biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee Degada Xarshin kuwaasoo Dayro ka bixiyay in aan haba yaraatee aan laga gaadhi karin Dhulka Teedsan Degmada Xarshin iyo Nawaaxigeeda Biyaha Dhulka hoostiisa ku jira taasoo Samirsiisay ama Dib u liqeen Candhuuftii ay kaga rajo qabeen in laga gungaadhi doono Biyaha ku jira Dhulka heli doonaana Biyo Nadiif ah Shacabwaynaha Degmada Xarshin.

Waxaase Rajadii iyo Yididiiladii Shacabka Reer xarshimeed iyo Nawaaxigooda dib u soo Noleeyay Curashadii ay Xukuumada Maanta ee uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Hogaankeeda hayo oo Bilawgiiba wajahday daboolida baahiyada aasaasiga u ah Nolosha Guud ahaan Shacabka Deegaanka islamarkaana Ahmiyad Gaara inta badan siisay Qorshayaasheeda Dhinaca Biyaha sida ku xusan Jaantusyadeeda oo ah 1aad,2aad iyo 3aad hal ku dheg uga dhigay ka-Haqabtirida Shacabka Biyo Nadiif ah. Bilawgiiba Xukuumada Maanta ayaa u Heensaysatay ka midho dhalinta Hindisaheeda Dhinaca Biyaha kuna xaradhay Jaantusyada Qorshaha A-Sal u dhigida Daraasaad aan ka beegsheegin Baaxada biyaha Dhulka hoostiisa ku jira Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana Deegaanada laga Cabo Baraagaha B-Soo iibin Riigaga Nooca Gunta Dheer ka soo shalwiyaha Biyaha Dhulka hoostiisa ku jira.

Markii ugu horaysay abid taariikhda deegaanka ayaa Ceelkii ugu gunta dheeraa guud ahaan Dalka Itoobiya ee laga soo saaro Biyo lagu guulaystay Degmada Marsin oo ay ka faaiidaystaan guud ahaan shacabwaynaha Marsin iyo Deegaanada Dariska la ah dhulka loo yaqaan Ciid. Balse Deegaanada kale ee Gobolada iyo Degmooyinka ee aynan Masaafo la mid ah Deegaanada Xarshin iyo Marsin Biyaha Dhulka hoostiisa kana dhaw ayaa laga Biyo gaadhay inta badan Sanadkii tegay iyo kan hada Badhtamaha lagaga jiro sida Jigjiga,Shabeeley, Shiniile, Harawo, Birqod,Gosololeey,Araarso,Wardheer iyo Shaygoosh. Hadaba waxa ay Xukuumadu ku guulaysatay in Ceelkii 2aad oo ah Nooca Guntadheer laga gungaadhay islamarkaana uu Madaxwaynuhu Xadhiga ka jaray Maalintii shalay ahayd Ceel-Biyoodka Gunta Dheer ee Magaalada Xarshin.

Madaxwaynaha ayaa Tibaaxay in xukuumadiisu ay Guntiga u xidhatay intii ay jirtay ka sakow Isbedelada Horumarineed Sidii Bulshada ku dhaqan Guud ahaan Deegaanka looga haqabtiri lahaa Biyo Nadiif ah siiba ayuu yidhi Deegaanada Beraagaha laga isticmaalo oo ay Biyaha Dhulka hoostiisa ku jiraa aad u Fogyihiin anagoona Xooga saarnay daraasaad dhab ah oo aan ka been sheegin Baaxada Biyaha Dhulka Hoostiisa ku jira iyo Goobaha laga heli karo, taasoo lagu guulaystay Dadaal dheer, Dabagal Joogto ah, Aduun lacageed iyo Wakhti badan oo aanu galinay in aanu Aragno Magaalada Xarshin oo ay Shacabkii Heleen Maanta Biyo Nadiif ah ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay in Shacabweynaha Degmada Xarshin iyo Nawaaxigeedu ay ilaashadaan Ceel-biyoodkan Gunta dheer ee dib u soo nooleeyay Dayradii iyo Rajo la’aantii ay Sanado badan ka qabeen Biyo la’aan iyo Omas soo wajaha Dad iyo Duunyaba.

Qaybaha Shacabka oo aan la qiyaasi karin farxadii wajiyadooda ka muuqatay ayaa mahadcelin iyo Bogaadin kal iyo laab ah u soo jeediyay Guud ahaan Xukuumada gaar ahaana Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamuud Cumar oo si Daacad ah ugaga dhabeeyay Codsiyadii Baahida Biyo Nadiifa ee aanu kaga Codsanay Madaxwaynaha ayay yidhaahdeen iyadoona Oday ka faaloonayay Biyo la’aantii Dhibaatooyinka Dhaanka ay kala kulmi jireen oo ay u aroori jireen Dh/buur iyo Awaare.

 

Salaanmedia

Hargeisa.

Xigasho: Cakaaranews