Dhaliisha Xirsi Ee Uu Qorba Jooga Ku Weeraray Waxay Dhaawac Wayn Kutahay Dhaqaale Ururinta Jidka Ceerigaabo

maqaal

Waxa Maalintii Doraad Magaalada Ceerigaabo Ee Xarunta Gobolka Sanaag Uu M/weynaha JSL Mudane Siilanyo Uu Xaflad Caalamiya Ku Furay Qalabkii Loogu Tala Galay In Lagu Bilaabo Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Ceerigaabo Iyo Burco Hadaba Xafladdan Ayaa Ahayd Mid Ay Ku Diirsadeen Dadka Gobolkaas Ku Dhaqani Dhamantoo Iyo Guud Ahaan Bulsha Waynta Reer S/land oo Iyagu U Diirnaxaayay Walaalahoodda Halkaas Ku Cadiban.

Hadaba Marka Laga Hadlaayo Arimaha Laxidhiidha Adeega Bulshadda Iyo Haruumarinta Dalku Waa Mid Ku Wajib Ah Hadba Cidii Xukunka Haysa Iyo Qofkastoo Muwaadin Ahba Amma Qurbo joog Ha Ahaaddo Amma Qolqol Joog Ha Ahaadee Manna Fiicna In Meelaha Qaar Siyaasad La Geliyo Hadab Marka Aad U Fiirsato Dalkan JSL Haruumarkiisa Waxa Qayb Laxaadleh Ka Qaata Dadka Reer S/land ee Ku Dhaqan Dalka Dibadiisa Amma Qurba Joogta Hadba Sidaa U Taqaaniin oo Meelkasta oo Ay Joogaan Si Hagar La.aana Ugu Dedaala Barnaamij Kasta oo Dalka Laga Hir Gelinaayo MarMar Aannu Kaftamayno Ayaanu Nidhaahna Waar Xilalkii Dwaladda Waxa Inaga Haysta Qurba Joog Runtiina Taasi Maaha Mid Xuman Ah Amma Aanu Qurba Jooga Ku Fogaynayno Balse Waa Kaftan Uun Ah Hadab Waxa Aan Caawa Qalinka U Qaatay Hadal Meel Ka Dhac Ah oo Kasoo Yeedha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL Xirsi Cali X Xasan Hadalkaas oo Ahaa Mid Aan Meesha Qaban Qurba Jooganna Deelqaaf Ku Ah Ayaa Igu Kelifay Qoraalka Caawa.

Hadaba Waxan Marka Hore Xaal Siinayaa Qurba Jooga oo Aan Leeyahay War Kuma Wada Socono Hadaanu Qolqoljooga Nahay Hadalkaa Wasirka Idinkana Yuu Kashiina Xumo Ku Beerin ee Sidii Awalba Aa Dadkiina Iyo Dalkiina U Gacan Qaban Jirteen Heegan Ugu Ahaadda Haday Tahay Jidka Ceerigaabo Iyo Haday Tahay Midkaleba Waxanan Bulshadda Usheegayaa In Hadalkaa Wasiir Xirsi Dhaawac Ku Yahay Jidka Sanaag Iyo Isku Xidha Togdheer  Balse Aan Ilaa Hadda La Fahansanayn Wuxuu Daaranaa Waxaana Wax Lala Yaabo Noqotay Dhaliisha Wasiirka oo Aad Mooddo Inuu Kala Garan Waayay Xisbiyaddii Mucaaridka Ahaa Iyo Muwaadiniinta Debed Jooga Ah Ee Mar Walaba Dadkooda Iyo Dalkooddaba Garab Taagan Waxan Mar Labaad Idinka Raali Gelinayaa Hadalkaa Wasiirka  Waxa Laga Yaabaa Inuu Isagu Dan U Gaara laha

Qalinkii Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad Plucky