DHALINYARADA GOBOLKA CAYN IYO SONYO MAXAA KA DHAXEEYA!!!

 

sonyo 

 

DHALINYARADA GOBOLKA CAYN IYO SONYO MAXAA KA DHAXEEYA!!!

Waxaa la yaab ah in shakhsiyaad is abaabulay ay dhalinyarada sheegtaan magacoodana dusha ku xanbaartaan suaasha muhiimka waxay tahay yaa idiin doortay hogaaminta dhalinyarada wadanka? Iyo ma madaxweynaha wadanka ayaa idiin magacaabay xilkan aad sheeganayasaan

Dhab ahaantii waxaa cad oo aan madow ku jirin inay SONYO tahay xubno dhalnyarada reer hargiesa ka mida oo is abaabulay sheegasha wadanka dhalinyarada ku nool oo dhan min galbeed ilaa barina aanay ahayn mid ay idinla ogyihiin idinkuna aad iska riyooteen

Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in kooxdaasi magaca dhalinyarada faraha kala baxaan oo ay magac kale isku suntan waayo gobol SONYO ka shaqaysaana ma jiro dhalinyarada wadanku urur ay dooratayna maaha

Anigu waxaan kula talin lahaa sharafta iyo karaamada ha iska qaadina hogaamiyaashii beri baad noqon kartaane anagana magaca nooga daaya dawarsiga iyo ku qudhaabsiga aad ku sheeganaysaan wax ugu qabashada dhalinyarada Somaliland

Waxaan kaloo kula talin lahaa dhalinyarada gobolada bari gaar ahaan gobolka cayn inay qaadacaan sheegashada magaca dhalinyarada qaranka waana arin waxshinimo ah oo fool xun

Yasin cumar siciid

Yasincumar_siciid@hotmail.com

Cayn.buuhoodle.somaliland