Dhaqan Xumadan Dalka Ka Dhex Dilaacdey Yaa Ka Dambeeya

MAQAAL

Salaan Ka dib baryahan dambe dhagahayaga waxaa ku soo dhacaya afcaal foolxun oo aan hore looga aqoon gayiga Somaliland, gabadh inta si arxandarro ah loo dilo hadana lagu aasayo isla guriga, caruur yar yar oo aan waxba galabsan oo suuqyada lagu soo daadiyo kuna naf beela haatana la leeyahay cisbitaalka Hargeysa ayaa iyaga oo mayd ah lagu hayaa qaarna leeyhiin waaba la aasay markii la waayey cid sheegata caruurtan. Dad is dilaya hadh iyo habeen.

 
Dahqanadan maaha kuwa aynu hore u naqaanay ee sida wax u jiraan, anigu waxaan qabaa inay meesha ka jirto maamul xumo taasaana keenaysa dhaqan xumadan baahsan siiba xaga nolosha oo ku adag bulshada qaybaheeda kala duwan, nonol maamlmeedka oo aad u qaaliyoobay, shaqo la;aanta dhalinyarada haysta taas oo maalinmba ka sii daraysa inta ay jirtay xukuumadan Siilaanyo iyo Kulmiye’na hadal daysay oo reer dhan oo tahriib ah ayaad maqlaysaa min oday ilaa islaan dalkii laga wada qax.
 
Maxaa hadaba u meel yaal xukuumadan khuurinaysa ee aan badaaba hayn halka ay shacabkii doortay baahiyo badani hayso. Wasiirka maaliyada Samaale lacagtan uu isticmaalayo muxuu dhalinyarada shaqo abuur ugu samayn la’ayey. Wasiir Xirsigan wadooyinka ku khafiifey ha loo sheego in wado la dhiso ay ka horayso dad la dhiso.
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh