Diyaaradda Yamen Airways oo bilaabaysa duulimaadyo toosa oo ay ku tagayso Somalia iyo Somaliland.

image
Markii ugu horeysay mudo 20 sano ah kadib ayaa la filayaa ineey si toos ah u bilaabaan duulinmaadyada shirkadaha ganacsi ee diyaaradaha Soomaaliya,Somaliland iyo Yaman, kadib markii ay heshiis kala saxiixdeen shirkado ganacsi.
Heshiiskan oo dhinaca duulimaadka ah ayaa waxaa uu ka dhaxeeyaa shirkada duulimaadka iyo ganacsiga guud ee Gaabow oo fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho iyo shirkada duulimadyada ee Saciida oo xarunteedu tahay magaalada Sanca ee dalka Yeman.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in todobaadyo kooban kadib shirkada Saciida ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyagoo isku xidhaysa magaalooyinka Sanca, Muqdisho, Hargeysa iyo Cadan .
Heshiiskaasi ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda Sanca waxaana goob joog ka ahaa maamuliyaal ka kala socday labada shirkadood , mas’uuliyiin ka socota wasaaradda arimaha dibada ee dalka Yeman , la taliyaha Madaxweynaha J. F. S. ee dhinaca sharciga Prof. Ciise Axmed Warsame, Danjiraha Yeman u fadhiya Muqdisho Fu’aad Zorqa , Qunsulka Soomaalida ee Sanca Cismaan Axmed Maxamed iyo madax kale.
Dhinaca shirkada GAABOW ayaa waxaa kasocday maamulaha guud Cabdulaahi Axmed maxamed {caadil} iyo Xasan Cabdul Qaadir {boolaay).
Salaanmedia/Moqdisho