Dowlad Ku Timi Shirbeeleed Xisbi Lagu Qabsanayo Hab Beelaysan Iyo Madaxdhaqameeda Ku Baaqaya Shirbeeleed

Salaan dhamaan shaqaalaha shabakada iyo reer Somaliland meel walba oo ay joogaanba

 maqaal

Ka dib marwooyin iyo mudanayaal kooxda kacaanka cusub ee lagu soo dhisay shirkii Garadag waxey ina baday waxa ay in a bartaa ka badan dalkii iyo dadkii isku xidhnaa ee uu madaxweyne Daahir Riyaale kaga tagay Siilaanyo durtaba waxaa muuqdaa kala daadsanayaan, is barbar yaac, qabyaalad xun, ku qabso ku qadi mayside, ana weykan, qaybtayadii baa maqan, saamigayagii reer hebel baa qaba, siyaasi hebel waa in xil loo magacaabaa, qolo hebel wax wasiir ah mau helin ama waa lagu yareerey, iwm..

Muwaadin qabyaaladu hore wey u jirtay mana aha wax ay la timi kooxdan jibaysani laakinse iyada oo laga soo bogsanayo nabaradii dagaaladii sokeeye ee naafaayey qarankan daalan bay dib inoogu celiyeen qaaxo iyo meel baas. Muuse Biixi iyo macalinkiisa Siilaanyo hagardaamooyinka ay qarankan ku hayaan tiro ma leh, laga soo bilaabo asaaskii xisbigan ka dib geeridii ku timid AUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal gaashaabuur dhex maray labadan kooxood ee ay hogaaminayaan Siilaanyo oo wakiil ka ah beesha bariga Burco iyo Muuse Biixi oo isna qaabilsan beelaha dega galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa ma ahyen mid ku dhisan qaranimo ama isu keenida beelaha reer Somaliland bari ilaa galbeed balse qorshahaas wuxuu ahaa mid u gaar ah labadan beelood oo xulufaysi ku noqday sidii ay iyaga mooyaane aanay cid kale ku guulaysan hogaaminta dalka, hanashada xilalka sare sida ka muuqata dhamaan xilalka sare ee qarankan gacanta waxey ugu jiraan labadan beelood oo sad bursi jiro sida agaasimayaasha, wasaaradaha cad cad, xilalka mihiimka ah, ilaha dhaqaale oo ay dhamaan 90% gacanta ugu jira beelaha ay ka soo jeedaan Silanyo iyo Muuse Biixi.

Beelaha kale sida beesha Awdal, beesha Baligubadle, beesha Saaxil, beesha Salaxley, beesha galbeedka Burco, beelaha Badhan iyo Laascaanood dhamaan marka aad isku darto wax saamayn ah kuma laha xilalka sare ee mihiimka ah iyo siiba ilaha dhaqaale ama qandaraasyada la bixiyo oo ay isku koobaan labada beelood ee Kulmiye ku leh saamiga ugu weyn, hadaba iyada oo laga warhayo sida ay shaxda Kulmiye ku timi ayey Jamhuuriya maalin dhaweyd soo qortey war been abuur ah oo ay leedahay saamiga Kulmiye lagu qaybsaday wuxuu ka turjumayaa codadka uu xisbiga Kulmiye ka helay doorashaaoyinkii 2003, 2005 iyo 2010 hadaba akhriste hadaynu dib ugu yara noqono shaxdan ma kula tahay gobolka Sool oo aanay wax doorasho ahi ka dhicin intaas oo cod ah ayuu Kulmiye ka helay waa MAYA, gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin codka intaa leeg ma ka heli karaa Kulmiye ma kula tahay jawaabtu waa MAYA. Maxaa Jamhuuriya ugu wacan guulwadeyntan cad taasna waxaa ka jawaabi kara ashkhaasta iska leh oo ka tirsan labada kooxood ee aan hore u sheegay.

Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh