Dowladda Jabuuti oo shaacisay tirada askarta kaga geeriyootay Weerarkii Buulo burde Shabaab ku qaadeen

jabouti

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay waxa ay xaqiijisay askar Jabuutiyaan ah inay kaga dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Camaloow ee Degmada Buulo burde halkaasi oo saraakiil ciidan ay ku sugnaayeen.

Abaanduulaha ciidamada Jabuuti ee dalka Soomaaliya Generaal Cismaan Subagle, ayaa xaqiijiyay geerida shan askari, waxaana uu sheegay in 7-kale oo ciidanka Jabuuti ah ay kaga dhaawacmeen weerarkaasi.

Generaal Subagle oo la hadlay Wakaalada Wararka dalka Jabuuti ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ADI) ayaa wuxuu usheegay in ciidamada Jabuuti ay si adag isaga caabiyeen raga Shabaabka ah ee soo weeraray Hoteelka.

Abaanduulaha ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan, ayaa sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in qaar kamid ah dhaawacyada ciidanka Jabuuti loo qaaday dalka Kenya, kadibna loosii gudbiyay dalka Koonfur Afrika halkaasi oo iminka xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Generaal Subagle, ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay damceen inay dib uqabsadaan Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan oo ay weeraro kala duwan kusoo qaadeen, balse ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom ay iska caabiyeen.

Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Camaloow ee Degmada Buulo burde, ayaa waxaa ku geeriyooday saraakiil Soomaali ah marka laga soo tago ciidanka Jabuuti, saraakiisha weerarkaasi ku geeriyootay waxaa kamid ahaa Col. Maxamed Amiin oo ahaa Abaanduulihii ciidanka Dowlada ee Gobalka Hiiraan.

Saraakiisha Jabuuti ayaa sheegay inay siiwadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Gobalka Hiiraan, iyaga oo sheegay inaysan cabsi gelin doonin weerarkii Hoteelka Shabaab ay ku qaadeen.

Salaanmedia/Mogdisho