Dowladda Talyaaniga oo gaadiid ugu yaboohday Dowladda Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa maanta Dowladda Federalka ee Soomaaliya ku wareejiyay ilaa 10 xabo oo gaariga nooca Cabdi Billaha ah, ka gadaal markii ay ka timid Dowladda Talyaaniga.

Talyaaniga, ayaa Taliska Amisom u soo marsiiyay in Dowladda Federalka ee Soomaaliya la gaadhsiiyo gaadiidkaan, oo loogu talla galay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Deeqdaan, ayaa waxay daba socotaa tababar muddo 3 bilood qaatay, oo ay iska kaashadeen Talyaaniga iyo Amisom, oo Ciidanka Booliska ee Dowladda Somaliya sanadkii hore lagu siiyay dalka Jabuuti, iyadoo tababarkaasi uu la xiriiray la dhaqanka Booliska ee bulshada.

Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika Mahamat Saleh Annadif, ayaa gaadiidkaan waxa uu ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dowladda Soomaaliya General C/kariin Daahir Saacid.

Mahamat Saleh Annadif, ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in deeqdaan loogu talla galay Booliska Somaliya, waxayna deeqdu qayb ka tahay qorshaha lagu xoojinaayo Booliska, sida uu sheegay.

General Saacid, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay deeqda ay ka helayn Dowladda Talyaaniga, waxa uuna u jeediyay mahadcelin ku aadan, sidoo kalana waxa uu Taliska Amisom kaga mahadceliyay taageeradooda.

Wareejinta gaadiidkaan, ayaa waxay maanta ka dhacday Xarunta Ciidanka Amisom ee Xalane, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde.