Dr Cali Macaw Mihnadle Bulshaddu Ubaahantahay Maxaa Laysu Hortaagay

maqaal

Waxaan Caawa Halkan Kaga Hadlayaa Arin Runtii Iga Yaabisay Mana Aha Waxa Ku Saabsan Siyaasad Balse Waa Arin Khusayasa Arimaha Bulshadda Kuwa Ugu Mihiimsan
Waana Arinta DR Cali Macaw oo Ah Dhakhtar Soomaaliyeed oo Runtii Aqoontiisu Caalamka Ka Sheegantahay Waxana Jira Waxyaabo Laga Xishooddo La Tixgeliyo oo Runtii Xishmad Mudan Waxaana Kamid Ah Culimadda Caafimaadka Hadaba Waxa Jirta In Dhakhtarkaas Soomaaliyeed DR Cali Macaw uu Dhawaan Soo Gaadhay Magaaladda Hargaysa ee Xarunta Dalka JSL Una Yimi Inuu Ka Fuliyo Adeegyo Caafimaad oo Baahidoodu Taalo Hadaba Waxa Dhacday Sida Wararku Igu Soo Gaadhayaan In Ay Is Hortaageen Gudida Mihnadlayaasha Cafimadka JSL Waxan Leeyahay Gudidda Arintaasi Sax Maaha Ee Ka Cabsada Allaha Idin Abuurtay oo U Tudha Shacabka oo Tixgeliya Wadda Dhalashadda Iyo Diirka Soomaali Nimadda Waayo Marka Maanta Dr Macaw Shuruudaha Ku Xidhaysaan Waxa Maalin Walba Dalka Yimadda Dhakhaatiir Shisheeye Manaanu Maqal Maanta Ka Hor Cid Shuruuddo Lagu Xidhay Amma Qaabkan oo Kale Loola Dhaqmay Hadaba Waxaan Si Xushmad Leh Uga Codsanayaa Gudidda Mihnadlayaasha S/land Inay Dhawraan Karaamada Qaranka Iyo Sharafta Shacabka S/land oo Ay Arintaas Degdeg Uga Laabtaan Waa Hadii Aad Tihiin Dad Dadkoodda Ixtiraamaaya

Waxan Doonayaa Inaan Maqaalakan Ku Soo Gebagebeeyo Tuduc Kamida Suugaantii Abwaan Dhoodaan

Guddi Daqan Leh Iyo Guurti-iyo
Goliyo Xeer Beegti Goblan Umma
Horseeddaan Nimay Gacal Usheegtaan

Waa Murtidii Dhoodaan

By Sacad Cali Kaahin Raamalay [Sacad PLUCKY]