Dulmiye Marna Bariga Burco Marna Galbeedka Hargeysa Inta Kale Ma Marti Baa

Salaan qaali ah oo ku socota shaqaalaha shabakadan iyo dhamaan reer Somaliland

 MAQAAL
Jamhuuriyadan curdinka ah ee Somaliland waxyaabaha ay ku hanoqaadey waxaa ka mid ah isu tanaasul, cadaalad, wax wada qaybsi, iwm,
 
Hadaba muwaadin laga bilaabo shirkii Boorame waxaad moodaa in ay wax weyni iska bedeleen saami qaybsigii beelaha wada daga Somaliland. Dowladii marxuum Cigaal ayey in badan ka cawdeen beelaha qaarkood siiba beesha madaxweynaha xiligan Siilaanyo kuwaas uu u bixiyey dowlada “Subeeriya” taas oo ay ula jeedeen madaxweyne Cigaal iyo Gud. Golaha Guurtida Ina Sheekh Madar oo lsla beel qudha ka soo jeeday ahna beesha Habar Awal. Dhawr iyo toban sano ka dib waxaa yimi xilka madaxweyne Siilaanyo iyo Gud. Golaha Guurtida Saleebaan Gaal oo iyana isku beel ka soo jeeda miyaan markaa la odhan karayn waa dowlad “Xabuushiye.”
 
Muwaadin saami qaybsigii Kulmiye waxaa ka dhex muuqda hindisahan qaldan ee ay labodan beelood oo qudha ku rabaan in ay iyaga mooyaane aanay cidiba xilka la wadaagin, bal u fiirso saxda beelaysan ee Kulmiye oo kulmiya labo beelood oo qudha;
 
1. Beesha madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal oo helay 206 xubnood halka ay beesha kale ee gacansaarku ka dhexeeyo sida uga muuqata calaamada xisbiga Kulmiye ay iyana heleen 206 labadan beelood oo qudha waa 50% golaha dhexe ee xisbiga
 
2. Beelaha kale oo iyaga lagu qurxiyo xisbiga aan dimuqraadiga ahayen ee Dulmiye ayaan iyagu helin qayb u dhiganta qaybta ay heleen labada beelood ee kor ku xusan oo ah qaybtii libaax, tusaale ahaan beesha Garxejis oo ah beelaha ugu weyn Somaliland uguna deegaan balaadhan ayaa gabi ahaanba laga qadiyey golaha dhexe oo wax aan u dhigmin 90 cod oo cawri gaf ah la siiyey.
 
3. Diidmada qayaxan ee in la doorasho loo galo xilalka sare ee xisbiga sida Gud. xisbiga oo uu xiligan Muuse Bixi hayo iyo Gud. Ku-xigeenka Maxamed Kaahin.
 
 
Arrimahan oo dhan waxey sida dharaarta cad u tusaysaa beelaha kale ee ku nool Somaliland in aanuu xisbiga Kulmiye iyo dowladiisu ahyen kuwe dhex dhexaad u ah qaranimada Somaliland ayna dhinac ka rarantahay bahasho oo xataa beesha dhexe dhexdeed ay ka sii rarantahay.
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh.
Guleed Buraan/Hargysa