Ehelada Wiilal Loo Haysto Kufsi Wadareed Walaac Xoog Leh Ka Muujiyay Xukunka Lagu Riday, Eedona U Soo Jeediyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada

DSC00071

 

Hargaysa(SM)Qaar ka mid ah eheladii 21 caruur ah oo lagu edeeyey in ay kufsi kula kaceen inan haween ah oo maxkamada magaalada hargaysa ku xukunta 10sannadood ayaa maanta walaac xooga ka muujiyey.

waxaana ay shegeen xukunkaas ay maxkamadu ku riday inuu ahaa mid baal marsan sharciga iyo qawaaniinta u yaal xoriyada qofka,waxaana ku edeyeen wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha somaliland inuu shaadh dawladeed maxkamada xukunkaas ugu Fulisay

Riix halkana 

Sidoo kale hoyooyinkani waxa ay baaq udireen Madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kuwaas oo ka codsay inuu kiiskood soo faro galiyo.

Waxa ay wasiirka xanaanada xoolaha somaliland ku edeyeen Dr Cabdi Aw Daadir inuu xoog ku muquuniyey caruurtaas yar yar oo ay shegeen inaanay qarkood danbi galin.

Ugu horen waxa halkaasi ka hadashay hooyo Ayaan yuusuf Xasan waxaanay baaq udirtay Madaxwaynaha somaliland inuu soo kala gaadha wasiirka xanaanada xoolaha iyo iyaga kuwaas oo ku edeeyey inuu shaadh dawladeed u gashaday.

“waxaanu madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka codsanaynaa inuu hoos u eego cabashada aanu maanta usoo gudbinayno oo ah inamo 21 ah oo lagu xidhay kufsi aan cadayn kuwaas oo lagu xukumay min toban sannadood dhamaantood reerkii inanta dhalay waxaan leeyahay waanu ka xunay waxa idinku dhacay lakiin reerkii waanu wada xaalnay wayna nayeleen lakiin waxa nahaysta wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha somaliland Dr Cabdi Aw daahi.

Ayaan yuusuf xasan oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay intaasi raacisay”lakiin caruurtayadaas wax sharci ah am maxkamada ah oo ay mareen ma jirto xadhiga lagu xukumayo waxa lagu gooya guriga wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Dr Cabdi Aw Daahir guriga aanu ka daganayn magaalada hargaysa ayaa  habeen badh ay ciidanka boolisku noogu soo dateen kuwaas oo aan anag na eegin dumarkaas hurda aan qadarin ee caruurtii xoog lagu qaatay kadibna iyaga oon wax maxkamada ah marin lagu xukumay min 10sannadood oo xadhiga ah waxaana baaqn iyo fariin is huwan udirayaa madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaanan leenahay madaxwaynaha hawshayadaas soo faro gali waxaanu tirsanaynaa cadaalada daro.

Dhinac kale waxa Iyana halkaas ka hadashay hooyo aamina waxaan ay sheegtay in ay habeen iyo maalinba ay cadiban yihiin islamarkaana waxa ay baaq udirtay madaxwaynaha somaliland.

“Madaxwayne waxaad nasoo kala gadhaa wasiirkaaga xanaanada xoolaha iyo anag kaas oo noo adeegsaday shaadh dawladeed waxaan baaq iyo fariin is huwan udiraynaa cid kasta oo jecel nabada waxaanan leenahay wasiirka xanaanada xoolaha somaliland maaha ninkii dhalay inanta la kufsaday manaaha waxa uu ugu socdaa qaraabo ahaan dadkii inanta dhalay waanu heshiina wasiirka xanaanada xoolahana waanu la hadalnay waana uu nadiiday Amarna waxa uu maxkamada kusiiyey in ay kiiskaas da’dajiso waxaanu markaas leenahay caruurtaas yaryar waxa lagu xad gubay xoriyadoodii anag oo ku hadlayna magac caruurtaas aanu unahay hooyada madaxwaynaha fariintaas nooga soo jawaab.

Intaas waxa ay ku dartay hooyo aamina iyadoo cabasho laxaadleh ka muujisay wasiirkaas xanaanada xoolaha oo ay ku godeen farta isla markaasna ku edeyeen inuu ku xad-Gudbay xoriyadii caruurtaas uu xaq-darada ugu xukuntay maxkamada magaalada hargaysa sida ay tidhi hooyo aamina.

Sidoo kale waxa Iyana halkaasi ka hadashay  hooyo ka mid ah hoyooyinka ay ka xidhanyihii caruurtood iyado arimhaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi sidan.

“Madaxwayne waxaanu nahay shacabkii kusoo doortay waxaana haboon inaanu waxaanu ka cabanayno aad ka war haysid ee waxaanu magan kaaga nahay inaad kiiskaas ay maxkamadu nagu xukuntay ee 21caruura ah ee mid kasta lagu xukumay 10ka sannadood een maxkamada la horkeenin sifaha sharciga baalmarsan lagu xukumay ayaanu maanta kaaga nahay Magana madaxwayne siilaanyo.

“waxaanu maanta halkan warbaahinta isugu yeedhnay inaanu ka hadlano kiiska uu wasiirka xanaanada xoolahu maxkamada ku amray ina ay caruurtaas yaryar u xukunto caruurtaas waxa lagu edeeyey in ay galeen kufsi taasna waxaanu kala xaalnay reerkii inanta dhalay waanay naga aqbaleen lakiin wasiirka ayaanu madaxwayne is haynaa ee nasoo kala gaadh.