Faahfaahin dheeraad ah dagaal culus oo ka dhacay degaana ka tirsan G. Sh/hoose,

13 march 2014( SM)-Xaalad daganansho ayaa saakay laga dareemaya inta u dhaxeysa Shalanbood iyo degmada Buula-mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxaa wararka aynu ka heleyno halkaasi ay sheegayaan in uu xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo ALshabaab oo dhinac ahaa.

Sido kale Inta u dhaxeysa Shalanbood iyo Buula-mareer ayaa laga maqlayay dhawaqa madaafiic culus iyo rasaas ay isku adeegsanayaan dhinacyada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe waday howlgallo ay kula wareegayaan deegaanada ka maqan gacantooda.

Lakin khasaare ayaa ka dhashay dagaalkii xalay hase ahaatee lama xaqiijin karo inta dhimashada iyo dhaawaca ah.

Si kastaba ha ahaatee dowladda federaalka iyo AMISOM waxa ay in dhowaana ahba qorsheynayaan inay gaadhaan degmooyinka Buula-mareer iyo Baraawe.

Muqdisho SMwar