Fanaankii Maxamed Saleemaan Tubeec oo saaka Muqdisho lagu aasay iyo Madax katirsan Dowlada Soomaaliya oo ka qeyb galay Aaska

Maxamed_Saleebaan_Tubeec_Xanuunsan_1

Waxaa Goordhaw Qabuuro kuyaala Iskool Bulisia ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Fanaanka Weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Saleemaan Tubeec (Boqorka Codka) oo saakay Meydkiisa laga soo dajiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Fanaan Maxamed SaleemaanTubeec waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya uu kamid ahaa Ra’izul Wasaare Cabdi Wali , Wasiiro , Xildhibaano ,Ehelada Fanaaanka iyo dadweyne kale oo meelo kala duwan ka yimid.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa aaska kadib la hadlay Warbaahinta, waxa uuna umada Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyay Geerida Naxtinta leh ee ku timid Fanaanka, Ra’izul Wasaaraha ayaa xusay in Boqorka Codka uu ahaa Fanaan saameyn badan ku lahaa Fanka Soomaaliyeed ayna yaqaanaan yar iyo weyn.

Masuuliyiintii iyo Dadkii kale ee ka qeyb galay Aaska Fanaan Maxamed Saleemaan Tubeec oo aad uga murugeesnaa Geerida ku timid ayaa ilaah uga baryay in janadii Fardowsa ka waraabiyo .

Salaanmedia/Mogdisho