Filim ka sheekayanaya Taariikh nololeedka iyo wax qabad kii wasiiradii hore ee wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland Marwo Dr Adna adan Ayaa lagu soo bandhigay xaafada Wembley ee Brent

London 16March14 waxa  Xaafada Wembley ee Brent   lagu soo  bandhigay dhigay Filim ka sheekaynaya Taariikh nololeedka iyo  wax qabad kii  wasiiradii hore ee wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland  Marwo Dr Adna adan oo ku sugnayd goobta oo ka shekaysay  mudadii ay ku fakiraysay inay samayso dhaqtarkan iyada oo  si gaara diirada u saarayaa dadaalka ay Drs Edna ku hirgelisay dhaqtarkan ay ka dhistay caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo wax qabadka guud ee dhaqtarka adna.Dr Adna ayaa waxay goobta ka sheegtay taarikhda Somaliland iyo in la kala saaro Somalia iyo Somaliland iyada oo goobta dhalintii ku sugnayd ay waxyaalo badan ka faidaysteen waxa goobta ku sugnaa Duqa Xaafada Brent oo u mahad celiyey dadwaynahii somaliyeed ee ka soo qayb galay iyo isaga oo ku dhira galiyey in ay ka mid noqdaan bulshada xaafada degan,

Ds adna ayaa waxa goobta lagu waydiyey suaalo badan iyada oo   oo si xarago leh iyo dublamasiyad uga jawaabtay  waxayna  dhalintii ku dheeragilsay in  laga qayb qaato wax tarka wadanka waxa kale oo    ka soo qayb galay  marti sharaf aad u faro badan oo ay weheliyeen xubno ka mida Jaaliyadaha kala duwan ee  somalida ee dagan xaafada Brent iyaga oo goobta ka  mujiyey  farxad inay arkaan filin ka hadlaya taarikhda nolaleed ee marwo adna Adan iyo dhaqtarka iyo waxqabadka muuqda.

1 2 3 4 5 6