Foosiya Yuusuf oo maanta loo dhaariyay Xildhibaanimadeeda Baarlamaanka Soomaaliya

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxay maanta si buuxdo ay kaga mid noqotay Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ka gadaal markii loo dhaariyay.

Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, ayaa maanta lagu dhaariyay Foosiya Yuusuf, ka gadaal markii ay maanta u soo xaadirtay, sidii loogu dhaarin lahaa.

Ismaaciil Xasan Jimcaale oo ku heyb ah Foosiya Yuusuf, ayaa xilkaasi iska casilay, si booskiisa ay u buuxiso Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda ee Xukuumadii Saacid.

Guddoonka Baarlamaanka, ayaa sheegay in ay aqbaleen is casilaada Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jimcaale, isla-markaana si rasmi ah booskiisa loogu bedelay Marwo Foosiya Yuusuf.

Guddoonka Baarlamaanka, ayaa ku dhawaaqay in Foosiya Yuusuf ay maanta kadib ka mid tahay Golaha Shacabka, isla-markaana la faraayo in ay soo xaadirto fadhiyada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Muddooyinkaan dambe, ayaa la hadalhaayay in Foosiya Yuusuf ay ka soo dhex muuqan doonto Xarunta Golaha Shacabka, tiiyo ugu dambeen ay maanta suurta gashay.

Salaanmedia/Moqdisho