Gaari Ay La Socdeen Ciidamada Jubba Oo Qarax Lagula Eegtay Agagaaraha Isbitaalka Magaalada Kismaayo

last nedMars 01,2014 Muqdisho(SM)-Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in goor dhow qarax miino lagula eegtay gaari ay wateen Ciidamada Maamulka Jubba.

Xilli gaariga ay la socdeen uu maraayay agagaaraha Isbitaalka Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lala eegtay qarax si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo burbur gaarsiiyay gaarigii ay wateen Ciidamada Jubba, ayaa waxaa la xaqiijiyay dhaawaca laba ka mid ah askartii saarneyd gaariga uu qaraxu haleelay.

Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba oo gaaray aagga uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ka wadaan hawlgal lala xiriirinaayo raggii ka dambeeyay qaraxa khasaaraha geystay.

Ciidamada, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay gudaha u galayaan guryaha ku dhow dhow halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoo markaasi ku daba jira kuwii qaraxaan geystay.

Salaanmedia/Mogdisho