Garashada xun ee dawladda laga haysto

Garashada xun ee dawladda laga haysto

MAQAAL

Ibraahin Yusuuf Axmed ”Hawd”

 

Dawladnimadu waa wax dhaqankeenna ku cusub, sidaa darteed fahan darro weyn baa innaga haysata. Sannadkii 1960 ilaa maanta dawladnimadu haddii ay habsimi iyo miyir u shaqayn lahayd wax badan baa dawladnimada laga baran lahaa oo dhaqanka waa ay geli lahayd. Laakiin nasiibxumo waxaa la soo maray dawladnimo hoog iyo khasaare ah. Waxaa la soo arkay qaxar iyo qato liddi ku ah wanaag wal oo dawladnimada laga filayay ama laga heli lahaa. Dabadeed erayga ”dawlad” wax uu noqday dhawaaq leh dhiillo, cabsi, xanuun iyo damqasho. Sidaa darteed wax walba in mar kale gunta laga soo unko ayay noqotay.

 

Garashadeenna dawladnimada ku saabsan ee bilawgiiba xumaatay welina xun waxaa ka mid ah ka la soocid la’aanta dawlad iyo xukuumad, ama qaran iyo maamul. Dawlad ama qaran waa dalka iyo waxa yaalla ee la wada lee yahay iyo waxa la yahay oo dhan oo la isku wada daro: dhulka, dadka, hantida iyo khayraadka guud, xeerarka lagu dhaqmo, golayaasha sharciga ah, maamulka markaa talada haya iwm. Waxaa guud ee qof waliba wax ku lee yahay baa ah qaranka ama dawladda. Laakiin xukuumad ama maamul waa koox xilli cayiman u xilsaaran in ay maamusho oo fuliso hawlaha dawladda. Nasiibxumo kooxdaa waqtiga kooban fulinta innoogu qaybsan ayaynnu ku sheegnaa ”dawladda”. Macnaynta sidaas ahi in ay luqad ahaan qaldan tahay ka sokow, wax ay madalhufisaa fahankeenna arrinta ku saabsan.

 

Cawaaqib xumada ay lee dahay dawlad iyo xukuumad in la isku qaldo aynnu ka aragno laba xaaladood oo maanta Soomaalilaand aad uga muuqda. Midda hore waa sida Garsoorku ugu walaaqan yahay marba xukuumadda talada haysa. Ta kale waa sida aan loo hayn hantidhawr iyo xisaabiye siyaasadda ka madaxbannaan. Labadaa waxaa dheer warbaahinta qaranka ka dhexaysa, sida Telefeeshinka Qaranka, ee lagu hawlgeliyo cashuurta bulshada laga guro, oo haddana ku hadla afka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye. Warbaahinta Qaranka ujeedka laga lee yahay waa in uu noqdaa oo qudha ugu adeegidda danaha guud umadda, waxaana ka reebban in gooni ahaan iyo dheeraad loogu daneeyo xisbi ama cid gaar ah. Warbaahinta qaranka ee cashuurta lagu maalgeliyaa waa in ay u sinnaataa idil ahaan umadda dalka wada leh,miyi iyo magaalo, mucaarad iyo muxaafid, danyar iyo deni iyo cid walba.

 

Haddaba warbaahinta Soomaalilaand ee maanta ”Qaranka” ku magacaabani xeerkaa iyo anshaxaa ma ku shaqaysaa? Maya. Wax ay ku shaqaysaa oo u shaqaysaa siyaasadda xisbiga talada haya ee Kulmiye. Xukuumadda ayaa ku maxaafsata ee ma aha warbaahin gaadhsiisan heer qaran oo loo siman yahay. Sidaa darteed umaddii cashuurteeda ku maalgashatay waa ku gaboodfal. Run ahaantii warfaafinta Qaranka Soomaalilaand ku magacaabani sida ay madaxweynaha iyo xukuumadda ugu jajaban tahay ee ugu heesto waxba kaga ma duwana tii Maxamed Siyaad iyo Kacaankii Oktoobar, waana dhaqan aad u foolxun. Ugu yaraan saddex xumaato ayay tani meesha keenaysaa. Midi waa jahawareerinta bulshada iyo ka madalhufinta runta dalkeeda iyo nolosheeda. Tu kale waa luminta kalsoonida umaddu ku qabi lahayd warbaahinteeda ay maalgashatay. Ta saddexaadna waa xoojinta damaca xun iyo kelitalisnimada siyaasiga.

 

Si ay garashada dadku dawladnimada si hagaagsan u macnaysato una dhadhansato dabadeed awooddeeda ugu kalsoonaato, waa in ay maskaxda ka baxdaa dawladdu in ay tahay wax baas oo cadow ah. Waa in ay maskaxda ka baxdaa hawlwadeennada qaranku in ay yihiin duul inkaaran oo wax dila oo wax xidha oo wax dhaca. Muwaaddinku waa in uu dawladda u arkaa tiisii uu isagu samaystay ee dantiisa iyo noloshiisa ku ilaashanayay. Waa in uu madaxda iyo hawlwadeennada u arkaa adeegayaal uu isagu dirtay oo mushahar siiyay oo hawlihiisa u maamulaya.

 

Garashada muwaaddinka ee dawladda ku saabsani si ay heerkaa u gaadho, horta waa in la helaa maamul dawladeed oo uu ku kalsoon yahay kuna hoos dareemayo sinnaan iyo nabad. Ficil ahaan waa in ay u muuqataa dawlad uu noloshiisa iyo karaamadiisa bani aadamnimo ku ammini karaa. Si taasi u dhacdo waa in la helaa dawlad iyo hawlwadeenno sidaa ku shaqeeya. Muwaaddinku taa haddii uu waayo wax uu xoojinayaa oo hoos gelayaa awood kale oo uu isku difaaco kuna danaysto, tusaale ahaan tolka.

 

Duudduub ahaan, qodobbadan hoose marka la helo ayay suurtoobi doontaa kalsooni buuxda oo uu muwaaddinku dawladdiisa ku qabaa. 1) Maamul dawladeed oo caddaalad iyo nabad leh; 2) Hawlwadeenno qaran oo xilkooda ku guta habbooni iyo ka hufnaan musuq iyo dulmi; 3) Dhaqan aqooneed lagu ka la saaro qaranka iyo hay’adaha ka la duwan ee qarankaa hoos imanaya (Wakiillo, Guurti, xukuumad, Garsoor iwm); 4) Warbaahin heer qaran ah oo matasha dhammaan danaha umadda, kana madaxbannaan xukuumad iyo xisbi.

 

Ibraahinhawd@hotmail.com

www.ibraahinhawd.com