Generaal Jaamac Maxamed Qaalib “Itoobiyaanka Nabadda Soomaaliya madoonayaan caalamka ayaa og xitaa”

image

 

Sarkaal hore oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka Dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku khaldaneed in ciidanka Itoobiya ay kamid noqdaan Amisom oo ay Dowladdana aqbasho

Generaal Jaamac Maxamed Qaalib oo kamid ah saraakiishii hore ee dalka, balse hada aanan ka shaqeyn arimaha ciidanka, ayaa Wareysi uusiiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuu ku sheegay in lagu deg degay kamid noqoshada ciidanka Itoobiya howlgalka Amisom.

Wuxuu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya colaada ka dhaxeysa aysan sahal ku dhamaaneyn, sidoo kalena Itoobiya aysan dooneyn marnaba in nabad ay ka dhalato dalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in guud ahaan caalamka uu ka warqabo

Generaal Qaalib, ayaa xusay in Itoobiya nabad aysan urabin gudaha Soomaaliya inay colaad kasii abuurto mooyee, wuxuuna ku tilmaamay dadka Soomaalida ee mooda in Itoobiya ay Nabad ka dhalinayso Soomaaliya ay yihiin dad aan waxbadan ka aqoon taariiqda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mar uu ka hadlaye nidaam Dowladeed oo dalka ka dhasha, ayaa Generaal Qaalib, wuxuu sheegay in Dastuurka KMG ee dalka u yaalo ee la doonaye in wax lagu saxo ay soo qoreen sida uu yiri Dowladda Itoobiya, Dastuurka Soomaaliyana uusan aheyn mid nidaam lagu gaadhayo.

Dhaliisha ah in Itoobiya aysan Soomaaliya nabad ka dhalin karin, ayaa waxaa qaba rag badan oo Siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan isugu jira, maadaama cadoowtooyo dheer ay dhextaalo Soomaaliya iyo Itoobiya, Dowladda Itoobiyana marwaliba ay ku fekerayso sidii ay Soomaaliya uga gudan laheyd cadowtooyadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, waxaana ay guluf colaadeed ka wadaan Gobalada Bakool iyo Gedo.

Salaanmedia/Mogdisho