Generaal Jaamac Maxamed Qaalib oo tallooyin Milateri Dowladda Soomaaliya usoo jeediyay

image

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loosoo jeediyay tallooyin ku beegan dhanka Milateriga, xilli hada uu socdo dagaal culus oo Shabaab ku wajahan Gobalada dalka Soomaaliyana looga saarayo.

Sarkaal hore oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, balse hada aanan ka shaqeyn arimaha ciidanka ayaa ujeediyay Madaxda Dowladda talooyin ku wajahan howlgalka hada socda.

Generaal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah sarkaal hore ayaa Idaacada Goobjoog, wuxuu usheegay in tallooyinka Dowladda ujeedinayo ay kamid tahay in marka hore howlgalka iyo qorshooyinka lagala tashado saraakiisha Soomaalida, balse aan lagu ordin kaliya Ajaanibta dalka joogta.

Khubarada dhanka Militaarka ee Soomaalida ayuu utilmaamay Dowladda inay uraadiso tallooyinka, maadaama dagaalka noocaan ah uu ubaahan yahay taak-tiik Milateri iyo farsamooyin badan.

Mr Qaalib, ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay Itoobiya faa’iido ay ukeento Soomaali inaysan shacabka Soomaaliyeed ku anfacaadsan doonin sida uu yidhi.

Wuxuu kaloo kula taliyay madaxda Dowladda in lagu dadaalo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ku gaadhi lahaayeen isku filnaansho oo looga maarmi lahaa ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ku sugan.

Awooda Dowladda ayaa hada ku tiirsan ciidamada Amisom, waxaana ay Dowladda u aragtaa in Amisom la’aanteeda aysan gaadhi karin horumar Milateri, iyadoo inta badan juhdi aan lagu bixin sidii ciidamada Soomaalida loo qalabeyn lahaa.

Salaanmedia/Mogdisho