Golaha ammaanka oo kordhiyay wakhtiga ay saarnaanayso cunaqabateynta hubka Soomaaliya

 

UnitedNations1

 

 

 

 

 

 

 

 

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku kordhiyay waqtiga cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay saarnaaneyso, kadib fadhi Golaha ay shalay yeesheen oo go’aan uu kasoo baxay.

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay walaac xoogan ka muujiyeen in hubka Soomaaliya uu gacanta ugalo Dagaalamayaasha Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaeda.

Qaraarkaan lagu joojiyay fududeynta cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya qeyb ka mid ah ayaa waxaa isku raacay wadamada xubnaha ka ah Golaha ammaanka,waxaana si aad ah loogu cambaareeyay qul-qulka hubka ee horay iyo gadaal ugu socda Soomaaliya,taasi oo ay ku micneeyay inuu carqalad ku yahay qaaditaankii qeyb ka mid ah cunaqabateyntii hubka saarneynd Soomaaliya mudada 22-ka sano ka badan.

Muddo sideed bilood ah ayaa lagu kordhiyay in Soomaaliya ay sii saarnaato xayiraada dhanka hubka ah, maadaama walaaca ugu badan ee Golaha ay qabaan ay tahay in Shabaab hubka gacantooda uu galo.

Kooxda Dabagalka hubka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan warbixin ay soo saareen, waxa ay ku eedeeyeen Dowladda federaalka Soomaaliya in hubka ay gacanta ugeliso Shabaabka Dowladda kasoo horjeeda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay arintaasi iska beenisay.

Kordhinta xilliga cunaqabateynta hubka Soomaaliya, ayaa waxa ay dhabarjab weyn ku tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dowladda ay hada wado dadaalo kala duwan oo ay ku doonaysa inay ku dhisato ciidankeeda

Dhanka Dowladda wax war ah kama soo bixin oo ku aadan go’aanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay shalay gaareen.

Salaanmedia/Mogdisho