Home Articles Gudida La Dagaalanka Musuq’maasuqa (Anti-Corruption)- Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada London.

Gudida La Dagaalanka Musuq’maasuqa (Anti-Corruption)- Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada London.

image

 

 

 

 

 

 

GUDIDA LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA OO LAGAGA DHAWAAQAY LONDON(ANTI-CORRUPTION
10/3/2014 Gudidan oo ah guddi madaxbanaan ayaa ah mid si weyn hawlaha ay qaban doonto looga baaraandagay taasi oo inbadan diirada saaraysa heerka iyo xadiga uu leeyahay musuqmaasuqu, waxana ay xarumo ku yeelanayaan

Gudida la dagaalanka musuqmaasuqa oo lagaga dhawaaqay London(Anti-corruption commission).
Gudidan oo ah guddi madaxbanaan ayaa ah mid si weyn hawlaha ay qaban doonto looga baaraandagay taasi oo inbadan diirada saaraysa heerka iyo xadiga uu leeyahay musuqmaasuqu, waxana ay xarumo ku yeelanayaan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee somaliland ka koobantahay.

Waxa ay siweyn u daraasanayaan oo ay baadhitaan dheer ku samaynayaan kharashka soo gala haayadaha kala duwan ee dawlada iyo in uu kharashkaasi ku boxo halkii loogu talo galay iyo in kale.

Gudidan waxa si kumeel gaadh ah gudoomiye loogu doortay xoghayaha arimaha siyaadda UK iyo Europe ee xibiga Ucid Mudane Sicdiid Xariir Diiriye , oo isagu si ku meel gaadh ah u sii hayn doona oo

muta dawacnimo ah usii haynaya hawsha gudidan ladagaalanka musuqmaasuqa somaliland( Somaliland Anti-corruption Commission), waxa kale oo ay gudidani yeelanaysaa laan hoostimaada gudidan oo iyadu u dooda xuquuqda shaqaalaha somaliland.

Gabagabadii waxa 19 April 2014 , xaflad balaadhan ayaa samaynayaa ururkan Anti-corruption commission waxana ay ka dhacaysaa magaalada London.

waxii Faahfahina iyo Talooyin kala soo xiriir telka hoos ku qoran

somalilandanticorruption@outlook.com

xoghayaha arimaha siyaadda UK iyo Europe ee xibiga Ucid

Mudane Sicdiid Xariir Diiriye

004479538817630