Gudiga Fulinta Ee Kulmiye Oo Ansixiyaay Ergada Shirwaynaha + Saamiga Ay Beeluhu Ka Heleen + Sadbursi Weyn Oo Ka Muuqda

Gudiga Fulinta Ee Kulmiye Oo Ansixiyaay Ergada Shirwaynaha + Saamiga Ay Beeluhu Ka Heleen + Sadbursi Weyn Oo Ka Muuqda

aa

March 15, 2014  Hargeysa(SM) –  Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa manta Ansixisay sagaal boqol iyo kow iyo afartan xubnood oo noqon doona xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixin doono Shirweynaha sadexaad ee Xisbigu yeelan doono 22/03/2014-ka.

Kulamo is daba joog ahaa oo Xisbiga uga socday xaruntoosa isla markaana Dood badan ka dhex dhaliyey ayaa manta lagu soo af-jaray Saami qaybsi Gobolaysan oo hadana Beelaysan oo Guddida qaban qaabada Shirweynuhu soo bandhigtay kadib markii saami qaybsigii hore ee Hogaanku keenay sii kordhiyey khilaafka.

Saami qaybsiga rasmiga ah ee manta la Ansixiyey waxa uu u dhigan yahay sidan:-

  1. Habarjeclo 206 xubnood
  2. Habar awal 206 xubnood
  3. Arab 113 xubnood
  4. Gar-xajis 94 xubnood
  5. Samaron/Ciise 160 xubnood
  6. Harti 113 xubnod
  7. Tol-jeclo 19 xubnood
  8. Ayuub 19 xubnood
  9. Others 19 xubnood

Isu-geynta tirade Guud ee ay ka koobnaan doonaan Ergooyinka rasmiga ah ee ka soo qayb gali doona shirweynaha Xisbiga oo lagu qaban doono Hotelka Maansoor waxa ay noqonayaan 941-kaas xubnood, ayaaa  tirooyinka Beelaha marka laga tago Beel walbaaba hadana ka sii heshay Gobol kasta tiro cayiman oo ay ka soo baxday wadarta guud ee beeluhu wax u qaybsadeen.

Kulanka saaka lagu Ansixinayey Ergooyinka ayaa waxa hadheeyey Buuq iyo muran kuwaasoo ka dhalanayey siyaasiyiinta beelaha ugu jira Xisbiga oo kooxiba doonaysay in ay kooxda kale ka tiro badato, balse ugu danbayntii waxa la isla gaadhay go’aankan oo noqday ka beelaha intooda badani ku qanacday.

 Salaanmedia/Hargaysa