Home Wararka Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro,Musharaxa Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Masuuliyiin Kale Oo...

Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro,Musharaxa Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Masuuliyiin Kale Oo Khudbado Dhinacyo Badan Taabanaya Ka Jeediyey Munaasibad Heerkeedu Sareeyay Oo Lagu Qabtay Sheraton Hotel Oo ..

Dubai:Gudoomiyaha Wakiilada,Musharaxa Ucid iyo Masuuliyiin kale oo khudbado dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey Munaasibad heerkeedu sareeyay oo lagu qabtay Sheraton Hotel oo Jaaliyada Somaliland ee UAE soo agaasintay. Dubai-(SM)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Xisbiga Waddani ayaa xalayto ka qeyb galay munaasibad balaadhan oo si farsahaxnimo ku dheehan tahay ay u soo agaasimeen Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan ama degan wadanka Imaraadka Carabta (UAE) oo ka dhacday ama lagu qabtay Hotel Sheraton Dubai. im cirrrrrrrrrrrrr 5hos Munaasibadan ama Xafladan ayaa ahayd mid heerkeedu sareeyay oo aaney ka madhnayn amaba ay garab socotay soo dhaweyn loo sameeyay Gudoomiyaha iyo Masuuliyiinta socdaalkiisa ku wehelinaysey,Yeelkeede waxaa munaasibadaas Khudbado iyo hadalo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey Gudoomiye Cirro iyo Xubno ka mid ah masuuliyiinta kale ee socdaalkiisa ku wehelinaysay oo aan ka xusi karno Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog) iyo xildhibaan Naasir Cali shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada oo labadooduba si kulul u canbaareeyay, una duray siyaasada gebi-dhaclaynaysa ee xukumada Siilnyo ,soona qufay ceebo,foolxumooyin iyo dhaliilo badan oo dul-hoganaya Xukumada Siilanyo. 2 Xildhibaan Aw-xoog ayaa si gaara farta ugu fiiqayKhilaafkii golaha wakiilada,siduu ku yimi ,Cidii khilaafka taageertay ee isku qancisay inay dani ugu jirto oo ah Xukumada Siilanyo iyo natiijadey danbarsatey. Sidoo kale Xildhibaan Naasir Cali shire Ayaa ka waramay Muwaadinimada dhabta ah iyo in xukumada Siilanyo ka leexatey wadiiqadii icitiraaf doonista ee xukumadihii ka horeeyay jeexeen, icitiraaf raadintii laga sugaayeyna la ambatay.Wuxuu kaloo sheegay inay xukumadu curiso baadidoon cusub iyo wadahadalo bilow oo shacabku fahimi waayey bilow iyo dhamaad jihadey u wado Axmed FagFagaash oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Waddani ayaa isna sheegay in maamul-xumada xukumada siilanyo iyo boobka ay ku hayso hantida qaranka sababtay in baahidu badato oo bulshada badhkeed bakhti ku dhaw yihiin,baahidu haddey badatana nabadgelyada aynu caalmka ka iibinaa wiiqmayso. imyyy Ku darsoo masuuliyiintii kale ee munaasibadan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Axmed Fag-fagaash  iyo Suhuur Abdi Abiib oo ka tirsan Masuuliyiinta xisbiga Waddani iyo masuuliyiin Jaaliyada ee martida loo ahaa. ja Taa ka sakow waxaa munsaabidaas ka soo qeyb galay oo hadal ka jeediyey Musharaxa madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Jamaal Cali xuseen oo ku eedeeyay xukumada Siilanyo Tacadiyada iyo Cabdudhinta aaney u meel deyin ee ay ku hayso Warbaahinta ( Saxaafada madaxa banana) iyo xoriyatul-qawlka.Wuxuu kaloo Jamaal ka hadlay kala aragti duwanaanshaha xukumada Siilanyo iyo labada xisbi mucaarad halkay salku hayso,Waxyaabaha ama hab-dhaqanka guracan ee labada xisbi mucaarad ku diidan yihiin xukumada iyo ,Garawshiiyo la’aanta  xukumadaba. 6 Geesta kalena  waxaa munaasibadaas khudbad kooban oo haddana dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraaxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro oo ka war-bixiyey xaalada guud iyo wacyiga ka jira dalka,wuxuu kaloo si faahfaahsan uga waramay mashaqadii iyo mushkiladii lagu soo dhex-tuuray , muddona ka dhex oognayd Golaha Wakiilada iyo siday u maareyeen, Wuxuuna Gudoomiye Cirro mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Golaha Guurtida oo xalka mushkiladaa gacan weyn ka geystay ama soo afjartay,wuxuuna intaas raaciyey in arintaasi halkaas ku dhamaatey oo aanu filayn in qaylo kale ka soo yeedho. Tu kalena wuxuu Gudoomiye Cirro si weyn uga hadlay arimaha doorashooyinka soo socda,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in loo diyaar garoobo doorashada oo wax muddo kordhin la yidhaahdo meesha laga saaro amaba aanay jirin,wuxuuna taas u cuskadey  is-faham ama heshiis sadexda xisbi Qaran iyo deeq bixiyayaasha Somaliland ka caawiya arimaha doorashooyinku islaqaateen oo  saxeexeen,kaas oo qeexaya ama lagu xusay in doorashadu dhacdo waqtigii loo cayimey,oo wixii dibudhac ku keenaya Xukumada iyo axsaabtuba fududeeyaan ama laga feejignaado oo aad looga taxadaro.Geesta kalena Gudoomiye Cirro wuxuu madasha ka cadeeyay in madaxweyne Siilanyo khudbadii sanadeedkiisii 2013kii uu ka jeediyey fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole Qaran  balanqaadey,sheegayna in marka mudadiisu dhamaato aanu ogolayn in maalin loogu daro ee doorasho loo diyaar-garoobo. Isku soo wada duuboo Wuxuu Gudoomiye Cabdiraxmaan  Cirro khudbadiisu ku soo afmeeray, balanqaadeyna  inay xukumada Siilanyo waqtiga u hadhay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan gole ahaan iyo xisbi ahaanba,Xukumadana kula dardaarmay inay cabudhinta iyo cagajuglaynta ka dayso Axsaabta muraacidka iyo Warbaahinta madaxa banaanba. Salaanmedia/Dubai