Guulwade Xilsuge Xuseen Aden Igeh/Deyr Waa Run Oo Qabyaalad Iyo Qaran Ismaqabtaane U Sheeg Dowladan

MAQAAL
Waxaan aad iyo aad ula yaabaa qoraalada guulwadeysan ee uu ummada ku soo dhex tuuro nin sheegta Engineer Xuseen Aden Cige/ Xuseen Deyr oo in mudo ah ba amaanta kacaanka Aabo Siilaanyo ku soo caanbaxey. Xuseen waa raga ku soo fashilmay qurbaha uma ooman in bal maroon loo magacaabo xil, waana sababta keentay in uu amaan aan meel loo dayin hadh iyo habeen la dul taaganyahay maamulkan ay badi Reer Somaliland naceen in yar mooye oo iyagu ama xil ka haya ama xil suge ah sida saaxiibkeen Xuseen oo imika u soo wareegay Hargeysa una hanqal taagayana in lagu soo daro liiska siyaasiyiinta u nugul kacaanka.
Dhawaan bay ahyed markuu isku soo sawirey baabuurta duuga ah ee uu Xirsi xaraashka Jabuuti ka keenay sawiradaas waxaa ka dhex muuqda guulwadahan oo aan wax xil ah dowlada ahda kahayn mid hoose mooye oo lacag xaaraana. Hadaba waxaa kula talin lahaa mudanahan in uu shaqo kale raadaso, hadii uu talo bixinayo ha ka bilaabo kuwa ugu dhaw siiba wasiirada dowladan kacaanka khaasatan Xirsi, Xaashi,Xuseen Ducaale, Saleebaan Gaal iyo kooxda kale ee kacaanka hortoodna qabyaalad lama aqoon oo dalka iyo dadka oo is jecel oo gacmaha is haysta ayuu Daahir Riyaale Kaahin ka tagay maantana waad aragtaa in qabyaaladii dib loo soo celiyey waxaana ka dambaysa dowladan ku qadhaabata qabyaalada.
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh.
Guuleed Buraan
London
gburaan@gmail.com