Guurti + Gabay Culus oo Waafiya oo loo Tiriyey Xusbiga Wadani

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

Gabaygan magaciisa waxaa layidhaa””Guurti””islamarkaana waxaan ku cabirayaa Xusbiga Wadani iyo Dulqaadka,Daganaanta,Dal iyo Dad jacaylka ku duugan Gudoomiyaha Xusbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka JSL Mudane Abdiraxmaan Mahamed Abdillaahi Ciro Madaxwaynaha dhaw ee JSL.

Imaka iyo Gabaygii-Abdillaahi Hassan Mataan-23-03-2014.

Xusbiyahow gugaagad dhalatay iyo gadahan aad joogto
Bal garwaaqso waxad guul dhigtiyo sharaf halkaad gaadhay
&&
Baarlamaan gudoonshaad ahayd toban guyaalood
Sharci guuyihii baad ahayd xeerar gurawayn
Nabadaa la gaadhaad lahayd gacanta koobaad
Guud ahaan aqoonsiga midkii goobayaatahay
Gaadh hayiyo dalkii waxad u tahay guulo dhaliyii
&&
Hayeeshee dar guushaada neceb galan galweeyaan
Intaa qaar ku gaadaaya oo raad guraa jira’e
Gurjuf iyo kolkii gaarjuf badan lagugu soo daayo
Ay guudka ceeb kuumarshaan gocoro weeyaane
&&
Guurtinimo nimay ku idishoo gaatamaatahay
Mid garaadka maalaatahoon gobo’i seegayne
Kaftan iyo waxaad soo gadiyi gabayo waawayn
Markaasaa kuwii shilin gurtiyo hadhi guruubkii

Afartaa gamuumaye midkale aan gadiyo haatan

Imakana gudoonshii Wadani uunku kuu garaye
Gelbi waxay ku leeyiin dalkana geesi baatahaye
Gacmo wadajireey waxad ku mari goboladeenoodhan
&&
Ganka bari ilaa iyo galbeed  Saaxil guradeeda
Bali gubadle geedkii shaxdiyo Booramiyo Guurtidii Saylac
Sool goodigeedıyo gar adag,Gebilay daanteeda
Gaaroodi hawd iyo Sanaag gurada Oodwayne
Halqigii lakala gooyey baad gacal walaalayne
Togdheer uga dhex geeraar aday gogoshu kuutaale

Allaa Mahadle
Abdillaahi Hassan Mataan
togdheer2000@hotmail.com