Hadaba xukuumada Siilaanyo haysku aasto xabaal bilaashtii ay Maxamed Saleebaan Tubeec la weyday!

MAQAAL

Hadaba xukuumada siilaanyo haysku aasto xabaal bilaashtii ay maxamed saleebaan tubeec la weyday!
 
waxaa wax lala yaabo ah qof aad isaga oo nool qax u qaban weyday inaad isku mash quuliso markuu dhinto! waxa uu nabigeenu NNKH inoo sheegay qofku markuu dhinto waxaa raaca sadex shay 1-ehelkiisa, 2- maal kiisa, 3- iyo camalkiisa waxa uu yidhi laba way soo noqdaan midna wuu ku baaqi noqodaa ehelkiisa iyo maal kiisu dib ayay uga soo noqdaan halka camakiisa oo qudhi la god galaan!,
 
wuxuu yidhi xaaji cawad khuurshe ( alaylehe ijo ayay ku dhacday!) iminka xukuumada siilaanyo ee goordanbe hanbaabira ayaa gudi jiho la oo aan isba hubsan sidii dhidar onkod kiciyay goor aan goor ahayn saxaafada soo hor fadhiistay oo tidhi waxaanu nahay gudi aas qaran ah oo marxuunka berbera ku aasaysa cajiib hada wax gacmaha ugu jiraaba ma jiraan! dee iyadu hadaba haysku aasto xabaal bilaashta ay la weyday marxuun maxamed saleebaan ee magac xumada karaacday!  
 
kamay dhalan nacayb ay u qabaan qoyska reer tubeec Somaliland inay marxuun maxamed saleebaan ku aasaan magaalada muqdisho laakiin somalidu waxay tidhaah daa carauur taadu iyada ayaa iskaa kala jeclaysiisa bani aadam iska daaye xayawaanka ayaa kala yaqaan qofka u xiiraya iyo ka ku xoqaaya! wax badan ayay qaylo dhaan aad iyo aad u culus soo dirsadeen qoyska marxuunku uu ka baxay iyada oo dhamaan umada somaliyeed meel kastaba ay ku nooshay u waayo sheegtay xitaa marxuunka ayaa afkiisa ku hadlay oo yidhi maanta caawimo iyo gargaar ayaan idiinka baahanahay ( waxa uu yidhi ina cabdile xasan gabaygii uu koofil u tiriyay dhaxaan jalaadee dhegbaan jalaq la iisiin dhe!) muu qaylo dhaan yaraysan marxuunku laakiin qoyska uu ka dhashay waxay kala ogaadeen cidii xilka iska saartay markii uu bukay ee wax tartay iyo cidii ka gaabsatay ee tidhi qowda maqashii waxna haw qaban,
 
walaalkii jaamac saleebaan tubeec hore ayuu u sheegay in uu ku sii dardaarmay in lagu aaso meeshii uu ku dhashay ee waalid kina ku aasnaa oo ah gobolka saaxil iyo berbera laakiin taas waxa bedelay duruufta arxan darada ah ee ay kala kulmeen xukuumada iyo shacabka reer Somaliland,
 
hadii xukuumadu kaalintii kaga aadanayd lumisay maxaa afka ka xidhay kuwan bahda suugaanta iyo fanka ah ee weliba bulshada magaca ku leh sida abwaan hadraawi, xasan geney iyo nita la midka ah iyo bulshada raydka ah hadii ay shir balaadhan oo marxuunka qaadhaan loogu u ruurinayo ay qaban qaabin lahaayeen may dhici lahayn in maanta magac xumada inaa leg ku dhacdo shacabka iyo xukuumada Somaliland ma aha in xukuumada uun laga sugo inay kaalin walba daboosho laakiin qof kasta oo muwaadina iyo mid bulshada magac kuleh waxa la gudboon inuu dhinaciisa ka ilaaliyo wixii umada magac xumo ugu filan,
 
ma jirto jacayl gaara oo reer muqdisho iyo xukuumada federaalka ahi ay u qabeen marxuun maxamed saleebaan tubeec laakiin waxay ka faa-idaysteen abaabulkii iyo dadaalkii uu la yimid gudoomiyihii hore ee gobolka baadir mudane maxamuud nuur talzan oo isagu ahaa shaqsi wax tara oo aragti fog! bulshada reer muqdisho ee uu markaas gudoomiyaha u haana sifiican u abaabulay, umad kastana waxa magaca u soo hooya shaqsi sidaas talzan aragti fog iyo kudhac la yimaad oo aan daayicin jaaniska markaas la soo gudboonaada,
 
umadu way kala dhaxashaa oo laka xadaa taariikhda beri kamaalin marka mudo laga soo wareego ayuun baad arki marxuunkan maanta muqdisho lagu aasay ee maxamed saleebaan tubeec oo la leeyahay waxa uu kudhashay kana soo jeedaa magaalada muqdisho sida hadaba heestii uu lahaa yuusuf xaaji aadan qabile ee somaliyay toosoo toosoo isku tiirsada loo siiyay qaasim hilowle ee looga wareejiyay yusuuf xaaji aadan hada jiilkii uu dhalay yuusuf xaaji aadan ayaaba nool oo mudaba kamay soo wareegin!,
 
waxaan leeyahay hadaynu nahay xukuumad iyo shacaba waa lagu ceeboobay marxuunkaas inaga dhashay ee maxamed saleebaan tubeec IHNT ee yaan kuwa danbe ee buka ee darxumaysan la daayicin oo wax haloo qabto magacana qof baa keena ee wixii dhegxumo idiinku filan ha dugsanina!.
 
 
Aadan Axmed Nuur

London