Haweenay Soomaaliyad ah oo ka mid noqotay Booliska dalka Maraykanka,Loona aqoonsaday in ay ka mid noqoto Booliska degmada Western Distric ee Maraykanka.

Sidda ay qoreen Jaraa’idka Dalka Maraykanka, Dhaqanka Soomaalida ku dhaqan Maraykanka in dumarka ay ku biraan Booliska ma aha mid aad loo jecel yahay, balse Khadra Maxamed ayaa Sabtidii shaley loo aqoonsaday gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Booliska magaalada St. Paul ee dalka Maraykanka.

Khadro oo 21-jir ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay u noqoto dumarka Soomaalida mid ay ku daydaan doorka ay cayaareyso

Sheekada kale ee warbixintan ay qortay ayaa ah gabadhan waxa ay xidhan tahay Xijaab, waana mid aan aad  looga aqoon dalkan Maraykanka.

Khadro Maxamed oo ku biirtay Booliska St. Paul

Khadro ayaa loo aqoonsatay in ka mid noqoto booliska degmada Western Distric, kaddib markii ay ka qalin jabisay xarunta East African Junior Police Academy.

Madaxa booliska Thomas Smith ayaa sheegay in magaalada Washington, D.C iyo St. Paul ay yihiin magaalooyinka loo oggol yahay in dumarka ay qaataan Xijaabka, balse waxaa soo badanaya walaaca laga qabo ee ah in budhcada ay ku ka jiraan marka ay gacanta isula tagaan.

Balse,Booliska ayaa hab kale u sameeyay Xijaabka ay wadato Khadra taasoo ah in haweenayda aad looga war hayo.

Salaanmedia/London

Â