HOGAANKA IYO MAGACA SONYO YAA ISKA LEH?!!!

HOGAANKA IYO MAGACA SONYO YAA ISKA LEH?!!!

Ugu horeyn ilaahay baa mahad is ka leh dhammaanteed waxaan kalaoo umahaed celinyaa saxaafada xorta ah ee Somaliland

Intaas ka dib waxaan halkan si kooban uga yara iftiiminayaa arinka la xidhhidha magaca dhalinta wadanka iyo shakhsiyaad hogaanka uhaya

run ahaantii markaad eegto maaha wax qarsoon in dhalinyarada magaceeda lagu takri falay oo sida la doonayo laga yeelay laakiin waxaa nasiib daro ah in 20 shakhsi oo reer hargiesa ahi ku maxaafsadaan magaca taasina maaha mid ceebi kaga imanayso dhalainta wadanka laakiin waxay ceeb ku tahay ninka magaca dhalinyarada ku qudhaabanaya

Anigoo aan jecelahay inaan qaab dhismeedka SONYO hada tahay ka hadlin laakiin dib maqaal danbe ugaga hadli doona hadana SONYO waxaa ka muuqata cadaalad daro laga galay dhamaan dhalinyarada wadanka  arinkaasina waxaa loo baahanyahay in dawladu dib u eegis ku samayso hadii kale waxaa ka iman kara is ka hor imaad iyo kala qayb sanaan ku timaada dhalainyarada Somaliland gebi ahaan ba

waxaan dhamaan kula talinayaa dhalinyara wadanka inaanay ka qayb qaadan sanduuqa loo furay magaca sonyo iyo hogaankooda ka fiirso inaad wax ku darsatid hana taageerin cadaalad darada dhalinyarada

 

Aad baad umahadsantihiin dhalinyarada Somaliland ee sharafta leh iyo saxaafada Somaliland ee madaxa banaan

Qalinkii: cilmi baadhe/Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland