Ilaahay baa ina dili doonee xukuumada Somaliland waxbay qabatay.

                  MAQAAL

          Ilaahay baa ina dili doonee xukuumadu waxbay qabatay.

     Haddii aan dib u jaleeco indhahayga wareysto, ilaahbaa ina dili doonee dawladu waxbay qabatay, siyaallo badan oo indha indheyn ah markii aan waqti ku qaatay, waxaa marag madoon ah inay dawladu wax qabad iyo dedaal la yimaadeen xaqiraadu waa bello waana diin daro,  haddii aan soo qaato laba tusaale oo kooban wadada isku xidha bebera iyo hargeysa siday  ahayd sanad kii lasoo dhaafay horaantiisii  ninkii maray ayaa ka markhaati ah iyo maanta siday tahay, faraqa u dhexeeya, tusaalaha labaadna waa dilla iyo boorame,  waxaad kalloo qiimaysaan hargeysa maanta siday tahay iyo inta wado ee laga sameeyey, isweydii siday ahayd markii hore xukuumadan hada jirta ka hor.

             Waxaa kalloo lawada og yahay inaanu waxqabadka ay samaysay xukuumadan hadda talada haysaa aan halkan ku soo wada koobi Karin shaqaallaha dawlada oo qofwaliba ka war hayo mushaharka ay maanta qaataan inuu kabadan yahay kii ay bixin jireen dawladihii hore, waxaa kaloo lawada og yahay habkasta ha lagu qiimeeyee ciidamada booliiska iyo milatariga oo maanta lebisan direys iyo darajo, waxaa kalloo marag madoon ah ciidamada booliiska ee ( Emergency call) ama xaalada deg dega oo maanta ka shaqeeya gobolada waaweyn ee dalkeena waana markii ugu horeysey ee laga hirgeliyo dalkeena.

           Haddii aan u soo noqdo dulucda qoraalkayga waxaan halkan duco uga dirayaa inta jecel horumarka dalkooda iyo dadkooda, waxaan kaloo farayaa saxaafada S/land ka hawl gala inay si cadaalad ah u qiimeeyaan xukuumad kasta oo dalka soo marta sheegaan waxay ku xun tahay iyo waxay ku wanaagsan tahay anigoo aan dabooleynin khaladaadka xukuumada hadda jirta dawladdii ka horeyseyba wey ka khaladaad badnaayeen tan hadda joogta oo weliba ku darsadeen waxqabad la’aan waxaanse ku qiimaynayaa inay ka wax qabad badan yihiin kuwii ka horeyey, fursada fiican ee ilaahay siiyey oo ah dal nabad ah oo kala danbayni jirtey taasna waa wax ilaahay loogu mahad naqo oo ilaahay nasiib u siiyey madaxweynahan  (Ahmed mohamed  mohamoud).

            Waxaa kaloo qiimayn mudan dhismaha wadada isku xidhi doonta dalka s/land ee sanaag iyo togdheer,  taas oo ah waddo halbawle u ah s/land haddii ay xukuumadan hadda joogtaa ku guuleysato dhisida wadadaas waxaa  madaxweynahu hellayaa magaca xusuusta taas oo noqon doonta wadadaas oo loo bixiyo magaciisa iyo taariikh lama ilaawaan ah oo uu uga tago dadkiisa iyo dalkiisa oo qofwaliba ku xusuusan doono, dhisida wadada ceerigaabo ilaa burco waxay u quus goyneysaa xusbiyada mucaaridka waxaan shaki ku jirin in marlabaad ladooran doono madaxweynaha hadda taladda haya, waa haddii uu isa soo sharaxo, taas oo ku keliftay gudoomiyaha xusbiga mucaaridka ee wadani inuu ligliga haysto gudoomiya nimada kursiga baarlamaanka s/land, xusbiga ucidna waxuu sii kordhinayaa qaylada oo keliya, wax fursad ah oo u banaanina majiro haddii uu siilaanyo masharax noqday.

       Socdaalka dheer ee dhoolatuska cilmiyeysan ee uu madaxweynahu ku kala bixiyey dhamaan xeebaha iyo beriga S/land iyo isagoo is dultaagay magaala xeebeedka degmada maydh oo ah xaruntii milgaha iyo taariikhda xambaarsan halkaas oo uu kunastay halhabeen iyo maalin, waxaa socdaalkaas lagu sifeeyey inuu yahay gogol xaadh doorashooyinka, laakiin waxaa is weydiin leh maxaa  u diidaya, taasna xaq buu u leeyahay, waxayna kala cadaan doontaa waqtiga la qabto  musharaxa madaxweynaha ee xusbiga talada haya ee kulmiye, doorashadaas oo labada xusbi mucaarad ka dhigi doonta geeri iyo nolol

Waxaan ku soo geba gebeynayaa guul shacab weynaha S/land.

                                      Wabilaahi tawfiiq

     Cabdalle       Saeed         Ali