Home Wararka Daawo sawiro:Jaaliyadda Somaliland Ee Magaalooyinka Bristol Iyo Cardiff Oo Xalay Xaflad Balaadhan...

Daawo sawiro:Jaaliyadda Somaliland Ee Magaalooyinka Bristol Iyo Cardiff Oo Xalay Xaflad Balaadhan Ku Soo Dhaweeyey Mujaahid Cali Gurey

Jaaliyadda Somaliland ee Magaalooyinka Bristol Iyo Cardiff oo Xalay Xaflad Balaadhan Ku Soo Dhaweeyey  Mujaahid Cali Gurey, Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga UCID:

 

Waxaan halkan hanbalyo aan la soo koobi Karin uga dirayaa dhammaan jaaliyadda Somaliland ee ku nool Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff oo xalay si mug leh uga soo qaybgalay, xafladii lagu soo dhaweenayay Mujaahid Cali Gurey oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Sadaxaad ee Xisbiga UCID.

13141516

Xafladaas waxaa qudbado kala duwan ka soo jeediyey dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland iyo oo ay ka mid yihiin Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta, dhamaantoodna hadalkoodu wuxuu ku wajahnaa in laga shaqeeyo midnimada Somaliland iyo wada jirka Qaranka Somaliland. Waxaa kale oo xaflada ka soo qaybgalay Xoghayayaasha Siyaasada iyo Waxbarashada ee Xisbiga UCID, Dhamaan Madaxda UK ee Xisbiga UCID.

 

Waxaa kale oo qudbad aad u xiiso badan ka soo jeediyay Mujaahid Cali Gurey , Guddoomiye-ku-xigeenka Sadaxaad ee Xisbiga UCID, Mujaahidku wuxu warbixin dheer ka bixiyay xaalada maanta dalku marayo, haday tahay xaga siyaasada iyo haday tahay xaga Bulshada, mujaahidku meelo badan buu taabtaabtay  jaaliyadana wuxu kula dardaarmay in ay isku duubni muujiyaan , run ahaantii jaaliyadu aad bay uga maqsuuday hadalka mujaahid cali gurey ee waanada u badnaa waxaana rajaynaynaa in aanu idin soo gudbino iyadoo Video ah xafladaas oo ahayd xaflad aad u qiimo badan.

 

Hadaba anigoo ah Xoghayaha Xidhidhka Dadaweyanaha iyo Saxaafadda ee Xisbiga UCID Laanta UK waxaan dhanbaal halbalya ah u dirayaa dhamaan ka soo qaybgalayaashii qaasatan Jaaliyadaha Bristol iyo Cardiff ee Somaliland, Xafladan oo Cali Gurey lagu soo dhawaynayay , xafladaas oo ka dhacday  Magaalada Bristol ee UK, waxaana rajaynayaa in aad Xafladaha kale ee xisbiga UCID na aad sidaa iyo si ka wanaagsan uga soo qaybgali doontaan.

 

ABDULQADIR MOHAMED (CUKAASHE)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee Xisbiga

UCID Laanta Bristol

warfaa_101@hotmail.co.uk