Jaamac-shabeel) diiwaan-gelin waxba lagaa weydiin maayo ee shirkii Kulmiye ayaa adiga kuu yaala by Abdi Mustafe

MAQAAL
Jaamac shabeel adiga shaqo kale ayaa ku sugeysa oo ah xisbigii Kulmiye sidii shirkiisu u qab soomi lahaa iyo sidii aa xubnaha kale uugu sharixi lahaydeen in aan hogaanka afarta ah aan lala tartami karin. Taas oo muujineysa in Kulmiye noqdey xisbigii shuuciga ahaa ee dalka shiinaha ee afarta gangster ka talin jireen oo kale.
Maal mihii lagu weydiiyey in shirka Kulmiye qabsoomayo waxaad odhan jirtey qasab buu ku dhacayaa shirku,  markaa qaban kari weydeen na wax kale ayaad ku hadleysey iyo maanaan sii garanayn iyo wax la mida.
Kuma fiicnid saadaasha oo kolba wax gooniya ayaad ku faalootaa. Horta shirkii Kulmiye ee sadexda jeer dib loo dhigay ka soo bax. Ta doorashada dalku gelayaa mid adiga kuu taala maaha, cidina wax kaa weydiin meyso. Hadaad dooneyso cida nashuushadan bilowdey ee tidhi mudo kordhis baa miiska saaran na soo weydii Boqor buur madow. Jaamac shabeel sowtaad guulwadeynta ku fiicneyd eed qandaraas yada faraha badan madaxtooyada kaga qaadatey sideenad u ogeyn warkan lagu soo dhex tuurey ummada. Mise guul-wada yaasha ayaa kala deraja sareeya oo weli warkan dhegta laguuma saarin.
Waxaan ku soo af-jarayaa shirkii Kulmiye ayaa adiga ku khuseeya iyo sidaa uugu sharixi lahaydeen ergada in hogaanka xisbigu uu ceyn kiisii ahaanayo oo dalku sidii shuucigii u dhaqmayo oon cidi idinla tartami karin … Waaba tabtii the four gangs of China cahdigii Mao. Jaamac waxaan leeyey nin kii tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara…..Jamac waxaan weydiinayaa shirka kulmiye ma la isku ogolaan doonaa in hogaanku ahaado lama taabtaan oo ma ku kala nabad geli doon taan…Taa ka hadal oo doorashada dalka ku soo socota xil kaa saaran iyo wax lagaa weydiinayaa midna ma jiro ee malaa warbaahinta uun baad iska jeclaatey in aad iskala hadasho si aad u caan u noqoto.