Jaamacadda Burco oo Shahaado Abaal marina siisay HCTV-Burco

Jaamacadda Burco oo Shahaado Abaal marina siisay HCTV-Burco

Telefiishanka Caalamiga ee HCTV xaruntiisa magaaladda Burco, ayaa ka mid noqday Hay’adihii  iyo Shirkadihii ay Jaamacadda Burco ku Maamustay shahaadooyinka Abaalmarinta,kuwaaso ku mutaystay ka qayb qaadashadda Horumarinta Jaamacadd Burco.

Waxaana Shahaadadaasi u gudoomay Wakiilkada HCTV ee gobolada Bariga Somaliland Kayse Axmed Digaale,waxaana gudoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Siilaanyo.

Sanadkii 2012 bishii Ogosto ee ay Jaamacadda ka qalin jabinaysay Dufcadii labaad ayaa wariyaha Telefishiinka HCTV iyo Wargayska Jamhuuriya ee gobolada Bariga Somaliand Kayse Axmed Digaale, ka mid noqday dadkii shahaadooyiinka abaalmarinta ah ay siisay Jaamacadda Burco, waxaana xiligaas gudoonsiiyey Shahaadada Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mud. C/raxmaan Cabdilaahi Saylici oo isaga iyo wafti ay hogaaminayaan ka soo qayb galeen Munaasibada qalinjabinta Ardaydaasi.

Â