Jawaab Maqaalka Cinwaankiisu ahaa : Saddexda Xisbi Qaran Miyey ku Raacsan Yihiin Cunsuriyadda …………………………………., oo uu qorey: Mr. Hared Odah.

Jawaab Maqaalka Cinwaankiisu ahaa : Saddexda Xisbi Qaran

maqaal

Miyey ku Raacsan Yihiin Cunsuriyadda ………………………………….,    oo uu qorey:        Mr. Hared Odah.

   S/land ma qaxootiyada dalalka kaley Dib u dajin u sameysaa, sida Reer Galbeedka!

                                                              By Abdi Geireh.

Mr. Hared Odah, Waxad aheyd wiil askari dhaley oo kurey Bari iyo koonfur Iskuulada uga baxey, sidaanad dhulka ugu soo noqona waqooyiga Ameerika yimi deegaanka iyo sida loo kala degan yaheyna sheeko xamaasadeed mooyee xaqiiqada xeebaha Saylac iyo Lughaya wax badan ka heyn.

    In ad Ciise Tahey oo reer Geedi ah lama dafirayo.Reer Geedina haddey badney ama yareyba wey degan yihiin dhulkey degi jireen iyo kuwey awalba wada degi jireen iyadoo cidina ka sheegan ama colaadin,Marka nin siyaasi ah oo dano gaar ah u Durbaan tumo Nin dantiisu ka kaxeysey, sidaada oo kale maahee, qof cabsi colaadeed uga maqan oo xerooyin Djabuuti ama Itoobiya ku maqan oo ad tidhaa waa la soo celinayaa la heli mayo. Sidoo kale Reer kuul Cabdulqaadir sidoodii bey u degan yihiin iyaga Beelihii isla degi jireen abid.

Mamaasan dhalin yaro ey u direen in ay ilaaliyaan dawlada Djibuuti mooyee Geeli iyo reerihiiba nabad bey ku naaloodaan.

   Waxaad Fali waxad maagan tahey, Nin ka warqabaan ahey, Sheekada hurdada kaa soo kicisey ma aha hadalka siyaasiyiintu ku hadashey ee waa mid an gun iyo baar ula socono iyo cidda ku hawlanba ee la soco.

        Mr. xareed, Malaha Barigii dhaweyd ee ad doorashada ku soo guul daresatey ka dib ayaa himilada ah in Ciise la raro si ad bal doorashooyinka dambe ad cod uga heshaan. Sida an wada ogsoonahey in Ciise dawlada Djibouti uu wada yeelan waayey. Reer Geedi waa ku ajanabi adna waad ogtahey; markaa, Ciisaha ad soo daabula leedahiin armuu idinkaa wax ku dheefa is leh siigada idinku rogaa! Bal iska hubiya.

       Waxan Kuu sheegayaa dadka dhulka degaa qabiilkuu doono ha ka soo jeedo waa la is wada yaqaan qoys walba raaskii uu laba habeen ku baryey. Qabiilkuu rabo ha ka soo jeedo, Sifo kasta uu kaga maqnaaba, Qaxooti, Qurbe ama dan kale waxey doonta ha noqotee cidi kama horjoogto. Laakiin, waxa marnaba an dhaceyn in hal ruux oo aan summadda xeebaha Galbeed ku oolin cag ma soo dhigayo.

          S/landta ad qeylo dhaanta u direysaa, ma iyada oo an wali Ictiraafba helin ayey dadyoyga qaxootiga ah magan gelyo iyo dibudejin siisaa sida dawladaha reer Galbeedka!

S/land waxa u haboon in aaney ka leexaan dariiqa ictraaf raadinta. Albaabada aan danteedu ku jirin ee ay garaaceyso ha ka fiirsto.

Dawladu in Tidhaa dalka dib u heshiin baan ka sameyney oo nabad marna tidhaa qaxooti ayaa colaadii sagaashankii dalka cabsi wali uga maqanm iyadey nusaan ku tahey.

      Aqoontaadii ma waxey ku siisey in rag dhulkooda iyo dadkooda u hadlaya ayey kula noqotey in cid kale ku ashkateyso. Ma waxey kula noqotey hadday madaxda xisbiyo in ay ku habranayaan.

  Mr.Hared. Haduu damac siyaasadeed kaa hadliyey, kaaley Booskii Cali Macalin baan ku siineynaa maanta adiga sidaan Caliba U siiney! Adiga oo aan is daalin oo kolba meel isku qaadin.

    Alla Mahad Leh

Abdi Geireh

ageereh@yahoo.com

   .