KAABAYAASHA DHAQAALAHA WAXAA KA MIDA WADA CEERIGAABO

KAABAYAASHA DHAQAALAHA WAXAA KA MIDA WADA CEERIGAABO

1.Hordhac

Somaliland waa wadan yar oo curdin ah oo aan wali si fiican cagaha isugu taagin markaad ka eegto xaalada dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay. Inkastoo dalku uu magac wanaagsan kasoo hooyay horumarka uu ka gaadhay xaga nabadaynta iyo xaga horumarka dhaqaalaha, haddana waxa jira waxyaabo badan oo aad arkayso in loo baahan yahay in horumarin lagu sameeyo. Meelaha loo baahan yahay in la horumariyo waxa ka midda wadooyinka

Hadaba waxaa guul lagu tilmaami karaa wadooyinka faraha badan ee laga hirgeliyay dalkeena Somaliland ha ahaato wadooyinka ka socda gobolada hargiesa-salaxlay, Burao – Oodweyne, Kalabaydh – Wajaale, Oodweyne – Hargeisa, Hargeisa – Berbera, Burao – Erigavo

Waxaa muhima in la ogaado kaalinta ay wadooyinku kaga jiraan kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta

Waxaan shaki ku jirin in wada kasta oo ka mida wadooyinkaas socdaa ay door muhiima ka ciyaari doonaan kobcinta dhaqaalaha wadanka Somaliland

Waxaan dadweynaha kula talin lahaa in la taageero wadooyinka wadanka si khaldana aan loo fahmin ama ka weecsan rabitaanka dawlada dhamaan waxaan shacabweynaha walaalaha ah ee somalilanders-ka ah kula talinayaa kuna boorinayaa inay ka qayb qaataan WADADA CEERIGAABO oo ah wadnaha wadanka tusaale hadaynu nahay 3.5 million qof  oo dadka kala bdhkii bixiyo $1 lacagta aan ku deeqnay waa ($1×3.5= 3.5 million) haka shakin muwaadin fadlan dir  adoo ku diraya lanbaradan mid

( ZAAD 4366600 AMA SALAAM 60078770 AMA dahabshiil HRGD37305 AMA Somaliland bank 755)

Aad baad umahadsantihiin saxaafada Somaliland

Qalinkii: cilmi baadhe/Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland