Kala Maanka Kulmiye Ayuu Siilaanyo Muddo Kordhin Ka Doorbiday

maqaal

Waxa Mudooyinkii Ugu Dambeeyay Ka Dhex Aloosnaa Xisbul Xaakinka Kulmiye Buuq Soo Noqnoqday Dhawr Jeer oo Kalifay Xitaa In Uu Qabsoomi Waayo Shir Waynihii Xisbiga Arintaas oo Keentay Kala Aamin Bax Soo Kala Dhex Galay Masuuliyiinta Xisbuga Gaar Ahaan Hogaanka Sarsare ee Xisbiga Hadaba Marar Badan oo Lasameeyay Gudiyo Dhexdhexaadina Si Ay Isugu Soodhaweeyaan Garabyadda Ku Hirdamaayay Xisbiga Dhexdiisa Ayaa Aakhirkii.

Waxay Gudidii Ugu Dambaysay ee M/weyne Siilaanyo Usaaray Khilaafka Xisbigu Shaaciyeen Heshiis Kaar Jebin Ah Islamarkaana Meelka Dhac Ku Ahaa Dimuqraadiyadda Iyo Nadaamka Asxaabta Hadaba Heshiiskaas oo Loo Sameeyay Xafalad Dabaal Dega Ahayd Ayaa Ahaa Mid Lagu Dejinayay Shucuurta Taageerayasha oo Dhegahooda Ay Daashatay Dhiiladda Xisbigu Hadaba Markaad Soo Ururiso Heshiiskaasi Ayaa Ahaa Mid Aan Macna Badan Ku Fadhiyin Waxana Heshiiskaa Kadib Ay Gudidii Qabanqaabadda Shirweynaha Maqaar Saarka Ah ee Kulmiye Bilaabeen Hawlo Ay Ku Qorshaynayaan Tirooyinka Ergooyinka Kasoo Qayb Gelaaya Shirweynaha Iyagoo Ku Saleeyay Qaab Beeleed Qaab Beeleedkaas oo Markale Dib Usoo Celiyay Murugii Iyo Loolankii Awoodda Xisbiga ee Hore Laysugu Hayay Gaadhayna Heer Aan Waxaba Lagu Hagaajin Karin.

Hadaba Markaad Dhinacyo Badan Ka eegto Arimmahan Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxad Moodaa Inuu Xisbigu Ku Sii Siqaayo God Madaw oo Loogu Talla Galay Marka Aad Katimaaddo Arimahan oo Dhan Waxa Iyana Meesha Taala Amma Kamuuqata In M/weyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Ah Aasaasii Xisbiga kULMIYE ee Isagu Hadafkiisii Ka Gaadhay Aanu Maanta Diyaar U Ahayn Inuu Xalka Xisbiga Isaga oo Markasta oo Khilaafka Xibigu Yimaadaba Kaga Muquuranaaya Safaro Debeda Ah Iyo Kuwo Dalka Gudihiisaa oo Uu Goboladda Kumaraayo Run Ahaantii Waxa Ay Xaaladda Kulmiye U Muuqataa Mid Uu Ka Jeestay Amma Farahaba Kaqaaday Gadhwadeenkii Xalkiisa Yaqaanay Hadaba M/weyne Siilaanyo  Buuqii Qoodha Kulmiye Waxa Uu Ka Doorbiday In Muddo Kordhin Uu Ka Kaanbayn Gareeyo Goboladda Dalka Xisbigana Yaan Lagu Lulan Ayuu Kaga Dhigay Waxa Layidhi Qaaxadu Ninkay Hyasay Dishaa

 
Qalinkii sacad cali kaahin Raamalay [sacad plucky]