Kormeerka M/weyne Siilaanyo Ma Kaanbaynkii Muddo Kordhintaa

M/weynaha JSL Muadane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 

maqaal

Kormeerkiisu Muxuu Daaranyahay Waa Arinta Aynu Caawa 
Maqaalkan Ku Faalayn Doono Hadaba Waxaynu eegi doona
Ama aynu Qiimayn Doonaa Isataraatijiyada Socdaalka 
M/waynaha JSL oo Dhamaan Dalka Kormeer Kusoo Maraaya
Sida Wararku Sheegayaan Waxana M/weyne Siilaanyo Maalitii Salaasadii
Kabaxay Magaalada Xurunta u ah Dalka ee Haragaysa Isagoo Siimaray
Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama Habeenimadiina u hoyday Magaalada Saylac
Waxaanu Safar aan Caadi ahayn Kusoo Maray Magaalooyinka Lughaya iyo Bulaxaar
Halka ugu Dambayntiina uu Habeenimadii Khamiista Ku Hoyday Magaalada Berbera 
ee Xarunta Gobolka Saaxil oo uu Ilaa Hada Ku Suganyahay Iyadoo Wararku Sheegayaan
Inuu Ka Anbabixi Doona Subaxa Sabtida Una Kicitimi Doono Dhankaas iyo Gobolka Sanaag
Gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo Isagoo la Sheegaayo inuu Safarkan Ceerigaabo 
Inuu Ku Safri Doono Diyaarad Halka uu Markii Hore Isticmaalaayay Gaadiidka Dhulka 
Hdaba Waxa Faalo Mudan Sababta Keentay Safarkan aadka u Dheer Waxa Jira Mashaariic 
Tirro Badan oo uu M/weynuhu Dhagax Dhigay Xataa Qaar aan Caqli Gal Ahayn oo aad Dareemi 
Karto in Wax Ku Hoos Jiraan Sida Dhagax Dhiga Dekedda Lughaya oo aan Xiligan Macquul ahayn
Hadaba Iyadoo Ayaamihii ugu Dambeeyay Aad Loo Hadal Hayay Arimmo La Xidhiidha 
Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukumada Siilaanyo Ayaa Waxa Dareen Wayn Sii Siyaadiyay
Safarkan uu M/weynuhu Ugu Baxay Gobolada Dalka Waana Sababta Aan Ciwaanka U Xushay
Hal Kudhiga Ah Kormeerka M/weyne Siilanyo Ma Kaanbaynkii Muddo Kordhintaa
Arinta Kale ee Iswaydiinta Mudani Iyana Waxa Weeye Halak Ay Ku Maqanyihiin 
Xisbiyaddii Mucaaradka Ahaa ee Doorashada Sugaayay Waayo Waxay Ahayd inay Sida Fiinta uga 
Qayliyaan Arimahan Laga Dhawaajiyay ee Dhaawaca Ku Ah Dimuqraadiyada S/land Iyo Himiladoodiiba
Hadaba Waxaynu eegi Doona Bla Waxa uu Kala Kala Kulmo Siilaanyo Ololahaa uu Qaaday ee Lagu 
Soo Mustafaynaayo Madax Dhaqameedka Gobolada Dalka Iyo Halka Ay Kaga Soo Fuuraa Xisbiyada Mucaaradku Ama Uga Hawl galaan Arintaas Muddo Kordhinta ee Loo Siigeeyay
 
Qalinkii Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky