Kursiga Madaxwaynaha, Golihii Beelaha Ee Hore Wuxuu Ahaa Warshad In Ka Badan 40 Xeer Soo Saaray, Wakiilada-na Waxba Waynu Ka La’nahay” Suldaan Xasan Suldaan C/laahi.

image

Hargays(SM)mar.23.2014-Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan ayaa gaashaanka ku dhuftay warar ka dayrinayey xaaladiisa caafimaad oo todobaadadii u danbeeyey la isla dhex-marayey, kaas oo shaaciyey inuu caafimaadkiisu uu aad u wanaagsan yahay isla markaana uu dhawaan dalka iman-doono.
Suldaanku waxa uu sidoo kale ka hadlay safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku tagay xeeb ilaa xeeb ee bariga iyo galbeedka Somaliland, kaas oo tilmaamay in socdaalkaasi uu baraf farabadan oo haystay kursiga madaxweynaha uu ka dhalaaliyey.
Suldaan Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay galabnimadii Haatuf ugu waramayey khadka telefoonka isaga oo ku sugan magaaladda Diri-dhaba ee dalka Ethiopia oo uu xaalad caafimaad u joogo, kaas oo sidoo kale ka xog-waramay dhacdooyinkii u danbeeyey ee labadii bilood ee uu dalka ka maqnaa dhacay.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xaaladiisa caafimaad, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Alxamdulilaah xaaladayda caaafimaad aad iyo aad ayey u fiican tahay oo markii hore ee aan halkan imid aad ayaan u xanuunsanayey laakiin imika si fiican ayaa la ii daaweeyey oo Ilaahay mahadi ha ka gaadhee aad ayaan u wanaagsanahay. Mida kale sidan aan imika u caafimaad qabo labadii sano ee ugu danbeeyey umaan caafimaad qabin oo imika ayaan ugu wanaagsanahay oo xaaladaydu way iska soo taraysay oo waan fiicanahay, markaa dhakhtar aad u wanaagsan ayaanan halkan ka helay oo aad iyo aad ayaan u caafimaad qabaa 100%”.
Suldaan Xasan mar uu ka hadlayey warar maalmihii u danbeeyey suuqa la isla dhexmarayey oo sheegayey inuu xaalad culus ku jiro oo uu aad u xanuunsanayo, waxa uu yidhi “Laba arrimood midna horta ilaawi maayo oo kolay dadka qaarba sibay wax u fasiraan oo saddexdii habeen ee aan ugu caafimaadka wanaagsanaa ayey yidhaahdeen koomo ayuu ku jiraa, balse Alxamdulilaah waxa aanan ilaawi karin Masaajidadii la iiga soo duceeyey oo aan walaalahaygaasi aad uga mahad celinaayo, mida kale aniga laftigayga yididiilo iyo farxad ayey I galisay Masaajidadaasi waawayn ee la iiga soo duceeyey. Qodobka 2-aadna waxa weeyey dadku aad ayey u warwarayeen oo waxa la lahaa aad ayaa loogu sii kordhay oo xaaladiisu way adag tahay oo waxba ma kala garanayo oo koomo ayuu ku jiraa oo taasina Alxamdulilaah may dhicin isla markaana bulshaduna gudo iyo dibadba way soo duceeyeen, ana aad ayaan ugu mahadnaqayaan dadkaygaas oo meel walba oo ay joogaan telefoonada igula soo xidhiidhay, imikana mudo laba bilood ku dhaw ayaan idinka soo maqnaa oo bil iyo badh ka mid ah ayaa la i daawanayey  oo hada waxaan u joogaa uun baxnaano iyo fasaxa dhakhtarka oo aan sugayo, waxaanan rajaynayaa Insha Allaah inaan dhawaan dalka yimaado”.
Suldaanka mar wax laga waydiiyey waxa uu kala socdo xaalada guud ee dalka, waxa uu yidhi “Xaalada guud ee dalka taako-taako ayaan ula socday oo dabcan socdaalkaas madaxwaynuhu ku soo maray dalka intiisa badana waan la socday, safarkaasna waxaan u arkaa anigu waajibaad qaran oo uu madaxwayne Axmed Siilaanyo fuliyey, adigu markaa waxa uu noqonayaa wax lagu farxo sababta oo ah dee markii hore dadku waabay is waydiinayeen oo waxay lahaayeen madaxwaynuhu muxuu qabanayaa oo dadku way la’aayeen oo inuu joogo iyo inuu maqan yahay ayaa la kala garan-waayey laakiin socdaalka madaxwaynaha ee xeeb ilaa xeeb uu ku soo maray waxa uu dhalaaliyey baraf fara-badan oo haystay kursiga Madaxwaynaha, run ahaantiina waxaan ku tilmaami karaa guul uu Ilaahay garadsiiyey oo uu ku soo gudanayey waajibaadkiisii distuuriga ahaa ee xogogaal u noqoshada xaalada deegaanadda dalka, waanan uga mahad celinayaa oo aan ku dhiiri-galinayaa. Mida kale waxaan xukuumadda ku bogaadinayaa dhismaha jidadka dalka oo run ahaantii ah arrin mihiim u ah qaranka oo lagu hirto, waxaanan bulshadda reer Somaliland gudo iyo dibadba leeyahay si hagar-la’aan ah uga qayb-qaata horumarinta dhulkiina hooyo, xukuumaduna way ku mahadsan tahay jihaynta ay jihaysay dadka ee ilaa caruurtii yaryarayd ee Iskuuladu ay ka qayb-qaadanayaan dhismaha wadooyinka dalka”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Maadaama oo aan dalka mudo 2 bilood ah ka soo maqnaa waxaan leeyahay xukuumadu ha ilaaliso nidaamka iyo sharciga wadanka, golayaasha sharci-dajinta laftigooda oo aad maalmahan dhawayd arkaysay iyaga oo is qabqabsanaya oo uu Ilaahay u bixiyey Xaaji Cabdi Waraabe iyo rag kale oo ehlu-sharafka ummada ka mid ah oo aan run ahaantii aad si gaar ah ugu amaanayo doorkii uu arrintaasi ka qaatay Xaaji Cabdi Waraabe oo ah haldoorka aynaan bedelkiisa sida loo helaa adagtahay oo taariikhda bulshadda baal-dahab ah kaga jira Ilaahay cimriga ha u dheereeyee”.
Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan mar uu ka hadlayey waajibaadka shaqo ee golaha wakiiladda Somaliland iyo kii beelaha ee ka horeeyey, waxa uu yidhi “Xeer-dejinta waxa looga fadhiyaa inay shuruucda dalka ilaaliyaan oo ilayn ummadda ayey ka wakiil yihiine inay feejignaadaan oo aanay iyagu isku buuqin oo ay xeerar wadanka u dan ah soo saaraan ilay golihii wakiilada ee hore ee beelaha ee baarlamaan dhaameelka loo yaqaanay in ka badan 40 xeer oo mihiim ah loo aayey ayey soo saareene oo waxay ahaayeen warshad bay ahaayeen mashruuc sharci iyo xeerar mihiim ah soo saara laakiin golahan wakiilada ee hada waxaynu ka laanahay mashruuc sharci iyo xeerarba, markaa waxaan leeyahay sidan wax ka badela oo wixii ummadu idiin dooratay garta oo wixii xukuumadu qaloociso ka qabta ilayn idinkaa ilaalinta xeerarka iyo shuruucda dalka la idiin doortaye hadii kale taariikhda dalkan waxaydin ku gali doontaan golihii ugu xumaa ee soo marra”.
xigasho:Haatuf