Ma Ihi Qofkii Ugu Horeeyay Ee Rer Burco Ah Ee Nusqarni Jiray Hadana Ay Maanta Hargaysi Ugu Horeyso Maxaan Kala Kulmay. By: Bashiir Tarabi

Waxaan kula kulmay arimo kala duwan iyo Dad qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland oo aan weligay jeclaa inaan la kulmo inta ay ugu weyn yihiin Dr Edna Aadan iyo Fiilasoofka,Abwaan Hadraawi,Madax Qaran,Suxufiyiin iyo Qoraayo,iyagoo kuwa ugu yaryarna ay ka mid ahaayeen Abwaan,Fanaan Maxamed Saleebaan (Tuke) iyo Hoobalka Mursal Muuse oo kamid ah Xidigaha Geeska.

 

Duulimaadkayagii ugu dambeeyey ee aanu Xarunta Somaliland ee Hargeysa ugu sii jeedney anigoo ka imi Ingiriiska ayaa waxaa kursiga igu xiga fadhidey Gabadh ii sheegtay inay Reer Hargeysa tahay oo Maraykanka ka timi,qurbejooggeena Maraykanku way ka fufuranyihiin kuwa Ingiriiska,waana sida looga dhaqmo meelaha ay ka kala yimaadeen,sheeko googoos ah ka dibna waxay ihaybsatay Magaalada aan u dhashay,waxaannan u sheegay inaan Burco kasoo jeedo,waxay markiiba lasoo

booday weligay Burco ma tegin,ana markaas ayaan si daacad ah ugu idhi weligay aniguna Hargeysa ma arag,Inantii aad ayay ula yaabtay waxayna u qaadatay inaan xasarad ujeedo,si kastoo aan ugu sharaxay in aanan weligey Burco waqooyi uga bixin,arinni waxay ku dhamaatay waad is yeelyeelaysaa,waxaase hadalka intiisii dambe iga damiinatay Gabadh Reer Burco ah oo kursiga iga horeeya iigasoo gurmatey.

Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal intaanaan dhulka u degin,diyaarada hoosteeda mid kamid ah shaqaalaha dhexe ayaa wuxuu baadhayey shaqaalaha shandadaha ka shaqeeya iyagoo iskujoog Hurdi ah gashanaa,ma ogi in Ethiopian Airline sidaa codsatay laakiin ma jeclaysan,markaanu degney wax waliba waxay usocdeen si wanaagsan iyadoo uu dusha ka maamulayey Taliyaha Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa Mudane Cabdi Saleebaan isagoo u muuqdey nin khibrad dheer u leh shaqada,waxaana cashuur ahaan nalooga qaaday $33,qofkii aan bixin waxaa albaabka u taagnaa laba wiil oo si cawaandaddi ka muuqato diidmo ugu qalabaysan,waxaa isna goobjoog ahaa Mas’uulka hab Maamuuska ee Wasaarada Duulista Mudane Cabdilaahi A Caarshe.Markiiba waxaa nooshaqeeyey WI-FI oo bilaash ahaa halka aanu Adisababa saacadii ku kiraysanay $10.

Waxaan ku degey Hotel Jirde(Jirde Aw Cali,Taliyihii Bilayska ee Somaliland xiligii Maxmiyada) oo ay Saaxiibo qaali ahi iisii Carbuuneen iyagoo intii aan halkaa joogey ii Dalyaqaan ahaa,Magaalada Hargeysi aad bay Caasimad ugu qalantaa,waa inta qarsoon waxay Hargeysa ku tahay.Maskaxihii wanaagsanaana waxaad moodaa inay kasbatay,Ninkastoo Tuuladiisa,Degmadiisa iyo Gobolkiisu qarinwaayey wuxuu joogaa Hargeysa,fekerkiisa iyo maalkiisana wuu ku biiriyaa,Dowlada hoose iyo Goleheeduna way daddaalayaan inkastoo Xayaysiiska ka baxa TVga Qaranka ee Maayarku naxasuusiyo Hablaha khaatiyaanka ka jooga wiilasha iyagoo qaylinaya suuqa ku aflagaadeeya Hablaha,canaantuna dhinaca kalay ku fiicnayd(qashinkay barkataa iyo waa Baali ma aha wax Gabadh loo quudho ilaa heer Qaran).Hargeysi waxay u baahantahay in dhakhso waxlooga qabto Qorshaynta Magaalada,ha ugu muhiimsanaato,Biyo mareenada (kuwa Roobka iyo kuwa Bulaacadaha oo iminka Booyado qaaddaan),meelaha Dadka iyo Gaadiidku maraan oo iyaguna inta badan isku meel ah,inkastoo ay dadku labada dhinac maraan hadana markay gudbayaan way isdhexgalaan,xiliga Duhurnimada waxaad arkaysaa Gaadiidka oo laga leexinayo wadooyinka halbowlayaasha Hargeysa,cidhiidhi dartii.Meheradaha badhtamaha magaalada kuyaalana waa in muraayado loo sameeyaa si aad isaga aragtid qofka albaabka aad furayso ka dambeeya iyo kan markaad koonaha ka laabanaysid kaa hor imandoona,magaalada dhismayaal baa jiq ka dhigay,waxayna u baahan tahay barxado iyo meelo banaan.

Waddooyin baa la dhisay qaarna gacantaa lagu hayaa Hargeysi weli waa qabyo badan,Hargeysa ammaan baa lagu haystaa,muwaadiniin Indho fiiqan oo feejigan baa ilaashada,Bilayskeena aqoon,dadaal,wadaninimo iyo Barakada Eebe waxay ka dhigtey kuwo u shaqeeya sida kuwa caalamka horuumaray oo qaabkeena waafaqsan.Seked kasta markay fiidka gaadho waxaad ku arkaysaa gaadhi Bilays oo Heegan ku jira hadana Laydhka Buluuga ahi u dhacayo.Waxaa laga yaabaa hadaad isla meeshii soo marto Afar Saacadood kadib inaad aragto iyadoo weli Buluuggu u shidanyahay siday Guluubbada iyagu beertaan.Bilayskeenu cadowga Sas,Salbabakh iyo waan ku arkaa bay ku xakameeyaan,halka kuwa galbeedku intay laydhka bakhtiistaan koone madow ku dhuuntaan eedaysanaha oo aan is ogayna cunaha dug yidhaahdaan,waxaan xog waraystay askar derajooyin hoose leh oo ka kala tirsan ciidamada dirayska gashan ee kala duwan,way dhogor iyo rajo wanaagsanaayeen,waxayna ii sheegeen inay Mushaharka iyo Raashinka Gunada ah ay helaan Bisha oo aan dhamaan,waxayse u qalmaan waxkasta oo aynu karno.

Hargeysi waa magaalo loogu talagalay qoysas balaadhan,Doobka iyo Gashaantida shaqaystaa waa inay guryaha waalidiintooda joogaan marka lagu daro kuwo kirada iska bixin kari lahaa,xitaa Qoyska cusub iyo kuwa Curtay guryo loogu talagalay lagama dhiso Caasimada iyo Wadanka guud ahaan,Sadex ama Afar qol iyo wixii ka badan ayay Injineerada Naqshadu kaga dhegtay,inay fekerkaa bedelaanna waxay ku xidhantahay in kuwa guryaha dhisanayaa ay sawirtaan feker ka duwan baahida guryahooda taal iyo xaas walwaalnimadoodda wax dhaafsiisan,hana fahmaan in laba guri oo midkiiba laba qol ka kooban yahay ay ka dakhli badnaanayaan guri Afar Qol ah oo Qoys qudhi kiraysto.

Tan iigu layaabka badnayd waxay ahayd,Darawaliinta Wadanku Badhida kuma fadhiistaan!,waxay dhamaantood ku fadhiyaan dhabarka,golxana way wada leeyihiin,arintaa waxaa ku kaliifey muraayada hore xageeda sare iyo qaybteeda hooseba waxaa lagu dhejiyey Bac midableh,markaa waa inay is gaabiyaan si ay indhaha ugu beegaan inyar oo badhtamaha Muraayada ah.waxaa intaa dheer iyadoo Muraayadaha dhinacyada iyo tan dambena ay Baccahaa Beersoolka ahi (Hooyo Iga qari) ku dhejisanyihiin,markaad Muraayad Haadka eegto humaag baad arkaysaa male uun ku salaysan.inta waxaa dheer,waa inaad iska eegtaa Godadka dhulka iyo dadka qaar oo sida Adhi Carbeedka Inshaaro la’aan iyo xilkasnimo yari wadada uga gudbaya,Markaan dhowr qof weydiiyey waxay iisheegeen inay Bacdaa u isticmaalaan dhowr arimood oo ay kamid yihiin inay Qoraxda iyo shaxaadka kaga dhuuntaan.Waxaa magaalada isdabamaraya Gawaadhi 4×4 ah oo qaar Hay’adaha shisheeye wataan qaarna ayba yihiin kuwa aanay xabadu karin oo Sirdoonka Ingiriisku wataan,iyadoo gawaadhidan dambe lagu sheegay inay $150,000 yihiin qiimahoodu,midkiiba,waana gawaadhida qudha ee aad arki karto qofka wata ama saaran.

QII Jimcaha dambe la soco;Labada Wasaaradood ee Arimaha Dibada iyo Warfaafinta oo aan booqday,Wasiiro ku haboon iyo Agaasimayaal  da’ yar,Agaasime ku xigeenka TVga Qaranka oo iiga cawday Saxaafada,Hadraawi oo igula kaftamay inaan danaynayo Siyaasada,Dr Edna oo iga jeclaatay Sawiro Taariikhi ah,sawir ay jeclaydna ii hibeysey,Mursal yare oo ii sheegay inuu Jigjiga iyo Boorame kasoo heesay laakiin Hargeysi riyadiisii u rumaysay.

W/Q:Bashiir Tarabi Oogle

bogleh69@gmail.com