Ma Jiro Khilaaf Noo Dhaxeeya Aniga Iyo Madaxtooyada”Wasiir Xagla-Toosiye

Ma Jiro Khilaaf Noo Dhaxeeya Aniga Iyo Madaxtooyada”Wasiir Xagla-Toosiye

 

waxaana naga dhaxaysa wada-shaqayn fiican markaa waxaan bulshadda Somaliland………

Hargaysa (SM) Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxtooyadda Somaliland
Wasiir Xaglo-toosiye ayaa waxa uu sidoo kale deedefeeyey cadho la sheegay inuu doraad kaga amba-baxay magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay tibaaxuhu sheegayaan Burco markii uu gaadhay ay wasiiradda duulista Maxamuud Xaashi iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal kaga daba-tageen isla markaana ay soo lad-qabeeyeen.
Wasiirka Caafimaadka oo isagu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramay ayaa khilaafkaasi gaashaanka ku dhutay, waxaanu ku dooday inuu arrimo shaqo oo wasaaradiisa la xidhiidha u tagay magaaladda Buroc ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo xussay inaanu wax cadho ah u tagin halkaas, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu si kooban u yidhi “Waa waxba kama jiraan warkaasi ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo madaxtooyada, waxaana naga dhaxaysa wada-shaqayn fiican markaa waxaan bulshadda Somaliland u sheegayaa inuu warkaasi yahay mid aan xaqiiqada ku salaysnayn”.
“Ma jirto cadho aan anigu Hargeysa kaga baxay, Magaaladda Burco-na waa run oo waan tagay laakiin waxa aan u tagay shaqo, socdaalkayga Burco-na waxa uu ahaa safar shaqo, markaa sida aan kuu sheegay ma jirto cadho aan caasimadda kaga baxay”.

Xigasho Haatuf