MA WAXAYNU RAJO KA SUGAYNAA XUKUMADDA?

 Inline image 1
 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhrisayaasha sharafta leh, waxaanaan ku salaamayaa salaanta ISLAAMKA EE ASALAMU CALAYKUM

Waxaan salaantaa mid la mid ah hawada u marinayaa bahwaynta Xisbga Waddani ee debadda iyo gudahaba.
 
Dhoolla tuskii caleema saarka madaxwaynaha Putland ee la isaga yimid ilaa kismaayo, waxay ahayd fariin ku socota Somaliland
Dhaantadii Airport ka jigjiga iyo gacmo is qabsigii aad iyo aad loo muujinayay  ee Madaxwaynaha Putland iyo Madaxwaynaha Ismaamulka Somaliyeed ee Ethopia iyana waxay ahay farin culus oo ku socota Somaliland, haddaba akhristo waxaa iswaydinta mudan maxaa uga qorshaysan xukumadeena dhaq dhaqaaqyadaas siyaasadaysan ee is urursiga ah ee ku soo waajahan Soomaliland?

Waxaa kale oo aynu warbaahita ku arkaynay In madaxwaynaha Putland codsaay ciidamo oo uu doonayo inuu ku barakiciyo dadka reer Somaliland ee Galgala degan iyo marakanka oo Somalia hub ku caawinayo horaantoodina soo gaadhay, iyada oo dhaqdhaqaayadaasi ka socdaan waxaa is waydin mudan halka xaalkeeno marayo iyo kaalinta ay Xukumadeenu ka jirto iyo hawlaha ay ku mashquulsantahay.

Hab dhaqanka Xukumadeena ee Hawlahaas ku Jihaysan oo ah Kaaf iyo kala dheeri
1. Xukumadeena oo tafa xaydatay sidii kursiga looga tuuri lahaa Gudoomiyaha Barlamaanka.
2.Wasiirkii difaaca oo ku mashquulsan qaadhan ururin iyo dhuxulaysatadda Gobolka Sanaag.
3.Ciidamadii qaranka ee gobolka Sanaag oo si fagmaya iyo qaar kale oo loo diiday in la qarameeyo
4. Gobolka Sool oo aan cidiba ka war haynin inuu Somaliland ka tirsanyahya iyo in kale, Iskuuladii,dakhtarki,xafiisydii dawladda oo dhamaankodba dumaya iyo           jeelkii Laascaanood oo maxaabistii lagala baxayo.
5. Siyaasiintii reer buuhoodle ee dhaqaalaha badani ku baxday soo xerayntooda ( kayse iyo Xagaltoosiye) oo ka si socda Somaliland,xagaltoosiye oo Burco lagu          hor joogo inaanu Buhoodle u goosan.
6. Midnimaddii Shacabkeena oo burburtay oo labadii Beelood ee wad deganaaba la isa sudhay oo midiba ta kale tunsantahay oo indhaha la isu saaray.
7. Dadki oo lagu mashquuliyay waddooyin midiba ta kale dhabar jebin ku tahay si midina aanay u dhamaan oo aad arkayso Gudoomiyihii iyo Injineerkii  Waddada Oodwayne oo hadana tii Ceergabo dhex Ordaya iyo waddada xeebta Berbera iyo Ceergaabo oo markastaba ta uu markaa taagan yahay leh tanba ugu muhiimsan ,taas oo jaha wareer dadkii ku riday waddooyinkaas oo dhamaantod beelaysan oo ayaan darro ah, oo ay ku fiicnayd in inkaa oo midaysan kolba mid gacanta la wada saaro oo loo kala hoaysiiyo siday u kal muhiimsanyihiin, xukumaduna mid awoodeeda isgu gayso waa marka laga daacad yahay ee aan danno kale laga lahayn.
 
Waxaa is waydin mudan MA XUKUMADAAS BAYNU RAJO KA SUGAYNAA?
 
1. Ma waxaynu rajo ka sugayna xukumada Garsoorkii iyo Barlamaankii madax banaana ka cabanyo fargelinteeda?
2. Ma waxaynu rajo ka sugayna Xukumada Dalkeedi loo hub iyo ciidan urursnayo iyana ku mashquulsan burburinta midnimada dadkeeda?
3. Ma waxaynu rajo ka sugayna Xukumadda Dalkeedi la iska soo gelayo iyana  siyaasiyinti xisbiyada mucaaridka ah u diiday inay Gabilay iyo Burco Galaan?
4.Ma waxayn rajo ka sugayna Xukumda Aminga Hargaysa ku fashilantay inay dalka oo dhan Amingiis sugto?
5.Ma waxynu rajo ka sugayna xukumada Hargaysa Waraabin kariwayday inay dalka oo dhan hore u mariso?
6.Ma waxaynu rajo ka sugayna xukumada Ciidamada gaarka ( RRU,Birmadka,Ilaalad gaarka ah,) u samaysatay Shacabkeeda inay dalka difaacado?
7.Ma waxaynu rajo ka sugayna Xukumada Nusasaacihii caruurta ku faanaysa iyana gaadhi 80 000 $ wata iyo safaari 1500$ ah lehna sanka caano laga keeni?
8.Ma waxaynu rajo ka sugayna Xukumadda Kabtankii kooxda kubada ee Burco tidhi waa reer hebel ee reer hebel ha lugu bedelo inay dhallinyarad wax u qabto.
9.Ma waxayn rajo ka sugayna Xukumada Furatay Xafiiska shaqada suqa madawo ee la yidhaahdo XIRSI BAAN SUGAYAA, inay shaqo abuuris samayso?
10. Ma waxynu rajo ka sugayna Xukumada Hogaankeedu yahay maqanaha jooga?
11.Ma waxayn rajo ka sugayna Xukumada Xisbigeedi shirwaynihii u qabsan kari waayay ina doorasho inoo qabato?
12.Ma waxaynu rajo ka sugayna Xukumada uu SIILANYA hogaaminayo oo aynu shalay ogayn ogaamintiisi SNM?
13. Ma waxaynu rajo ka sugayna Xukumada Xisbigeedi Kulmiye tidhi cidina iskama sharaxi karto inay oglaato in la isla soo sharaxo?
14.Ma waxaynu rajo ka  sugayna Xukumada 10 kii caruur ah ee isu soo baxaba rasaasta nool la dhacaysa sidii Hargaysa,Boorame,Burco iyo Gabilayba ka dhacday?
Waxaynu maqalnay in khilaafki Xisbiga Kulmiye dhamaaday, Xisbiga Kulmiye waa Xisbi qaran waxaanaynu jecelnahay inaanay dhibaato gaadhin ilayn waa hanti qaranku leeyahaye, xal u helistiisuna ay noqoto mid ku salaysan distoorka dalka.
Waxaa khilaafka loo saaray guddi uu madaxwaynuhu magacaabay, gudiddaas oo aanu gudoomiyaha xisbigu waxba kala soconin, golahii fulinta ee xisbiguna aan ansixinin.
Gudidaasina waxay soo saartay qodobo dhawr ah oo ay ugu mahiimsantahay
1. Gudoomiyaha, afartiisa ku xigeen, Xoghayaha, Gudoomiyaha golaha dhex, iyo ku xigeenadiisa INAAN DHAMAANTOODBA CIDI ISLA SOO SHARAXIN OO AY SIDAAS KU SII WATAAN SHAQADOODII SHANTA SANADOOD EE SOO SOCDA SHIRWAYNAHANA AAN CIDNA LAGU DOORAN.
2. Waxaa far aad iyo aad u yar yar oo dadka intooda badani aanay arkii karina lagu qoray oo goaanada ka mid ahayd INAAN MADAXWAYNAHANA ISNA CIDI XISBIGA DHEXDIISA ISKALA SHARAXI KARIN OO ISNA SIDAAS UU KU AHAANAYO MUSHARAXA XISBIGA INTA CIMRIGIISA KA HADHSAN MUJAAHID MUSAWNA GUDOOMIYAHAAS ISKA CALFO OO HALKAAGAAS ISKA IMAANSO.
Goaankaas guddidaasi soo saartay ee ahaa INAAN HOGAANKA SARE EE XISBIGA KULMIYE CIDI ISLA SOO SHARAXI KARIN SHIRWAYNAHA XISBIGANA WAXBA LAGU DOORANAYNIN WAXA UU KA HOR IMANAYAA AMA UU JEBINAYAA.
1. Distoorkii qaranka ee dhigayay in muwaadin kasta ee Somaliland xaq u leeyahay inuu wax doorto isna la doorto.
2. Distoorkii Xisbiga Kulmiye ee dhigayay in shirwayne la qabto marka hogaanka sare ee xisbiga mudo xileedkeedu dhamaado halkaasna lagu doorto hogaa cusub.
3. Xuquuqdii xubnaha Xisbiga Kulmiye
4. Geedi socodkii Dimuqraadiyada ee aynu ku faani jirnay oo markiis doorashooyinkii qaranka { Doorashada Madaxwaynaha, Doorashada Golaha Degaanka, Doorashada Barlamaanka, iyo Doorashada Golaha Guurtida} ay mid waliba mudo dhaaftay aynu haddana bilawnay inaynu Xisbiyadiina Muddo kordhin uu samayno oo Xisbi Xaakimkii Kulmiye bilaabay.
5.Halgankii dheeraa ee xanuunka badnaa ee aynu nafo badan iyo maalba u hurnay.
Waxaan ku soo afjarayaa  ALAWO SAHAL AMUURAH ADAA DEEQDA BIXIYEE
ALLA MAHAD LEH
Faisal Farafidiye
Waddaniga dhabta ah