MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTALAND AYAA SI INDHO LA’AANA UGU EEDEYAAY SOMALILAND INAY TAGEERO SIISO XARAKADA AL SHABAAB EE GALGALA

Boosaaso(SM) Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo la hadlay idaacadaha Ku yaala gudaha Boosaaso maanta,wuxuu sheegay in Soomaaliland cudud ahaan u taageerayso Al-shabaabka Galgala oo ay la leedahay iskaashi dagaal oo ka dhan ah Puntland.   “dunida oo dhan way ogtahay waana qar iska xoornimo, Siilaanyo wuxuu hadda ku darsaday in uu Al-shabaab soo hugaamiyo oo buuraha Galgala soo saaro.” Ayuu yidhi Xasan Cismaan wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland.   Aloore wuxuu sheegay markhaatiyaal iyo dhacdooyin la taaban karo oo ay u hayaan eedaynta ay u jeediyeen Soomaaliland. “way wada socdeen dadka deegaanka ayaana sheegay oo xaqiiq cad weeyaan.”   Puntland waxay ku cel celisay in gobolka Sanaag uu yahay dhulka Puntland. Wasiirka ayaa intaas ku daray maamulkiisu inuu mudo dheer ka fogaanayey in dhiig wiilal Soomaaliyeed ku daato haysashada Laascaanood, wuxuu ku goodiyey in ay dhaqso u soo celin doonaan xaruunta gobolka Sool.   Qaramada midoobey ayaa walaac ka qabta xiisada u dhexaysa Puntland iyo Soomaaliland ee ka bilaabantay gobolka Sanaag tan iyo booqashadii Madaxweyne Siilaanyo ee Laas-qoray, Nikcholas Kay danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa sidaas ka sheegay Adis Ababa.   Madaxweynaha Puntland ayaa isna carabka ku dhuftay inuu jiro xidhiidh wada-shaqayneed oo ka dhexeeya Soomaaliland ururka Al-shabaab, sida uu ka sheegay shir uu bulshada kula qaatay Boosaaso gelinkii hore ee shalay.