Maanso….waanis qaran

13/ 3 / 2014

Maanso  . waanis  qaran

……..MOHOLIN

Cimrigood  ma noolaana-yaan

Qoonkan  caasiyaye

Cayn  kastooy  ujoogaan  dhulkiyo

Waxan  dul-ceegaaga

Cishaa  iman  la wada  caydhiyoon

Cidiba  joo  gayne

Cascas-kiyo  dhalaal  kuu  kulumi

Caamo  kii  ihiye

Caqli  yaraha  aan  kala  ogayn

Cuna  wax  dhaafaa-ya

Cantuugada  la-fila  yaa  ku  dhici

Ceelka  naar-ta ahe

Inkastooy  cibaadiyo  salaad

Foodu  cadan-yooto

Ka  agoon  waxeedii  cunaan

Camal  gargaaray-ne

Ciiddiyo  intaan  qaar  ku  dhigin

Meel  cidhiidg  badan- le

Cashar-sii  naftaa-doo  xumaan

Diida  cugad-keeda

Is ka celiya  cuud  kii  dhammaan

Kuugu  yimi  ceebta

Cirfiid  iyo  intay  deris  yihiin

Yay  cid  kaa  dhiganin

Fal  colaadda  beeriyo  dagaal

Yay  cammiran-yiine

Marka  cuurka  ay  doona-yaan

Curiya  guushooda

Cadaw-nimada  shaal keeda yay

Kuu  cumaamadine

Cisho-badan  wixii  aad  fashee

Kuu  casala  (malab) maalmo

Yaa  haddana  ciqaab-taada  noqon

Kuna  canbaa-rayne

..

Casrigaa  degdega  oo  wakhtigu

Gelinba  waa  cayne

Cibaadada  intii  wehesha-taan

Gelin  cagaagayne

Kuwa  caga-le  dar  curyaana  iyo

Ciyawga  duulaaya

Kuwa  ciid  xamaar-tiyo  maskiyo

Haadda  cararaysa

Camaar  yalay  abeesiyo  yaxaas

Culuse  diinoo  dhan

Cawshiyo  ugaadhiyo  in  tii

Quruxda  caymaaya

Casaan-yada  bad  joogtiyo  kaluun

Jebista  ceegaag-ta

Cutubyaha  aboor  diirta  iyo

Caaro  tolanaysa

.

Dunidaa  caddaan  iyo  madaw

Ama  asaan-keeda

Qudhaan-jada is daba  ciidan  tee

Laynka  qudha  cuuban

Godka  hoose  ceeshkoodu  yaal

Aan  cishana  waayin

Carra  edge  dusheedaa  in tii

Caadil  ku  abuuray

Calaf-kooda (WEYNAA ) U qoray

Waa  caddaan  dhaba he

Qofba  siduu  ku  cunabaa  la  yidh

Dooro  camal-keede

Mid  cadkii  xalaaluu  wanaag

Ugu cindoo-daaye

Caynkale  darbaa  uu  jinyidhi

Cuurta  booliga,e

Cillad  baa  ka  buuxdiyo  wuxuu

Caaqib-keed  heliye

(ASIISKEEN) ka  baqa  oo  waddada

Cunuf-la-aan  raaca

Cuud  badan  inaad  ururisoo

Garanin  cayntiisa

Waa  ka  cudurka  sii  beera  yee

Caashaq  haw  noqonin

Cafis-kana  dalboo  yay  bulshadu

Caagan  kaa  noqonin

Cidla  hays-la  teegin  aan  hadhaw

Cidina  kuu  baahan

Cataw  kuu  danbee-yiyo  ayaad

Keli  cayuun-naanin.

Curiye. Waa. MOHOLIN