Maayarka Ceerigaabo Oo Markale Xabsiga Dhigay Weriye Abdullahi Hussein Darwiish

Hargeysa(SM)Ciidamadda Police ka gobolka Sanaag ayaa saaka xabsiga dhigay Weriyihii tvga Royal Tv, Shabakadda Oodweynenews iyo Wargeyska Waaheen uqaabil sanaa Gobolka Sanaag Cabdulaahi Xuseen Darwiish waxana ciidamaddu weriyaha marki ay ugu tageen xafiiska usheegen in amarka xadhigiisa uu bixiyay Maayarka Degmadda Ceerigaabo iyo taliyaha Sirdoonka ee Gobolka.

 

Ma Cadda ujeedda ka dambeysa xadhiga Weriye Darwiish balse waxa uu isheegay inuu Maayarku dhibsaday maqaal/Article shaqsi soo diray oo uu weriyuhu ku daabacay Mareegta Oodweynenews.Com

 

Tiroba kudhowaad waa markii 10-aad ee Maayar Ismaaciil Si gaar ahaaneed xadhig cabudhin hadigaad iyo hanjabaad joogta ah ugul a kaco Weriye Darwiish.

 Salaanmedia/Hargaysa

 

Â