Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika Ee Amisom Mahamat Saleh Annadif Ayaa Sheegtay In Uu Bilowday Hawlgaladii Shabaab Looga Saari Lahaa Dalka

last nedMars 09,2014 Muqdisho(SM)-Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom Danjire Mahamat Saleh Annadif, ayaa maanta sheegay in ay bilowdeen dagaaladii Shabaabka looga saari lahaa dalka.

Danjire Mahamat Saleh Annadif, ayaa wuxuu tilmaamay in Ciidamada Dowladda oo kaashanaaya Amisom, ay u istaageen sidii ay Ururka Al Shabaab uga saari lahaayeen Somaliya.

Wuxuu Al Shabaab ku eedeeyay mid ka soo horjeedo nabad ka dhalata Soomaaliya, taasina ay keentay in halmeel looga soo wada jeesto Ururka ku xiran Shabakada tunkaweyn ee Al-Qaacida.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hawlgalada bilowday ee Shabaabka looga saaraayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, ay xilligaan ku soconayaan si dardar leh, ayna muuqaneyso guulaha laga gaaraayo Xoogaga Shabaab.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa mahdiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom ka gaarayaan Ururka Al Shabaab, iyadoo uu bogaadiyay in ay sii wadaan weerarada ay la beegsanayaan Shabaabka.

Mahamat Saleh Annadif, ayaa mahadcelin u jeediyay dadka ku nool goobaha laga saaray Ururka Al Shabaab, kuwaa oo uu sheegay in ay kala shaqeeyeen hawlgalada Shabaab looga saaray goobahaasi.

Salaanmedia/Mogdisho