Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta Oo Kulan Kula Qatay Aqalka Madaxtoyada Madaxda Bulshada Somalida Ee Islii

(SM)29 March Madaxwaynaha wadanka kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan albabadu uxidhan yihiin kula qatay madaxda bulsho waynta somaliyeed ee dagan xafada isli ee magalada nairobi oo isku jiray culumo u diin,ganacsato,waxgarad iyo ururada bulshada somaliyeed ee dagan nairobi islii.

Kulankan oo ulajeedadiisu ahayd sidii layskaga kashan lahaa amaan darada kusoo kordhaysa xafadaha nairobi iyo Mombasa ayaa kadib xog waraysi iyo lafa gurid dheer waxa labada dhinac ay isla garteen in gudiyada bulsho waynta somaliyeed ee islii ay laba laban sidii ay ula shaqayn jireen madaxda iyo hayadaha amaanka kenya.

Kuxigeenka Madaxda jaaliyada somaliyeed ee  xafada islii nairobi Yassin Jammah ayaa dhankiisa soo dhaweyay kulankan isla markana ku dhiriyay in hayadaha amaankana looga bahan yahay in ay xidhidh sokeeya lasameystaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Salaanmedia/Nairobi